Ku camal falka sunnada iyo axaadiista Rasuulka PDF

Document Details

IntelligentRubidium

Uploaded by IntelligentRubidium

Iftiin

Samaaxatu Sheekh Cabdul Caziiz bin cabdillaahi bin baaz

Tags

Islamic Quran Hadith Islamic Studies

Summary

This document appears to be an Islamic religious text, detailing the importance of adhering to the Prophet's teachings (Sunnah) and the Qur'an. It emphasizes the interconnectedness of these two sources as guides for Muslims.

Full Transcript

Ku camal falka sunnada iyo axaadiista Rasuulka s.c.w waa waajib Qofkii inkirana wuu gaaloobay Waxaa Qoray Samaaxatu Sheekh Cabdul Caziiz bin cabdillaahi bin baaz...

Ku camal falka sunnada iyo axaadiista Rasuulka s.c.w waa waajib Qofkii inkirana wuu gaaloobay Waxaa Qoray Samaaxatu Sheekh Cabdul Caziiz bin cabdillaahi bin baaz Ilaahay ha'unaxariistee- Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allaah Ee Naxariista Naxariis guud (Muslim iyo Gaalba, Dad iyo Duunyaba) mid gaar ahna ugu naxariista Mu'miniinta (Maalinta Aakhiro). Hordhaca Kitaabka: Mahad iyo amaan oo idil waxaa leh Ilaaha Caalamka Rabiga u ah, Cidhibta Wanaagsana waxaa leh kuwa ilaahay ka cabsada, Naxariis iyo nabad galyo hayeelo adoonkiisa iyo Rasuulkiisa Nabi Muxamed korkiisa, oo ahaa naxariis loo soo diray caalamkoo idil iyo inuu ku noqdo Xujo adoomada dhamaantood (oo ah inuu gaarsiiyay diinta), iyo ehalkiisa iyo asxaabtiisa kuwaasoo xanbaaray kitaabkii Rabbigood iyo sunnadii Nabigood s.c.w una xanbaaray dadkii ka danbeeyey si amaano iyo sugnaasho ku dheehan tahay, iyo Ilaalin dhamaystiran ah xaga odhaahda iyo macnahaba ah -Allana wuu ka raali noqday wuuna raali galiyay- hana naga dhigo kuwii wanaaga kuraacay. intaa kadib: Culimadii hore iyo kuwii ka danbeeyey waxay isku raaceen in asalka la sugay oo la qaadanayo markii axkaamta la sugayo ama la cadeenayo xalaasha iyo xaaraanta uu yahay kitaabka ilaahay Ee sharafta badan kaasoo hortiisa iyo gadaashiisa uusan imaan karin wax baadil ah, kadib waxa dalill ah Sunnada rasuulka s.c.w Nabiguna kuma hadlo hawadiisa ee waan waxyi uun, kadib daliiku waa culimada isku tagooda (ijmaacooda), intaa ka dib waxayna culimadu isku khilaafeen asallada kale sida Qiyaaska, (waana halbeeg looga qiyaas qaato xukun xukun kale), culimda badankoodna waxay ku tageen in uu Qiyaasku yahay xujo la daliilshan karo hadii shuruudiisa laga rabay la dhamaystiro, usuushaasi la sheegey daliilalooda lama soo koobi karo waana iska caan oo sheegid uma baahno: USUUSHA LA CUSKANAYO MARKA LA SUGAYO AXKAAMTA: ASALKA KOOWAAD: KITAABKA ILAAHAY EE SHARFAN Asalka koowaad wuxuu yahay kitaabka ilaahay Ee sharafta badan Hadalka rabigeen in badan wuxuu natusay meela badan oo quraanka kamid ah in ay waajib tahay in la raaco kitaabkaan luguna dhego lana dul istaago xadkii uu dhigay oo aan la dhaafin. Ilaahay koreeye wuxuu yidhi: (Raaca quraanka laydinka soo dajiyey xaga rabigiina Hana raacina wax aan isaga ahayn yaraase inta aad kuwaansamaysaan). Ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi: (Kani waa Kitaab aan idiin soo dajinay oo la barakeeyay Ee dadow Raaca Kana dhowrsada xaaraanta waxaa xaq ah in laydin naxariisanayo) Ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi: (Waxaa idiin yimid (ehlu kitaabow) Rasuulkayagii oo idiin cadeenayo in badan oo aad qariseen kutubtaas (sida wayaabihii ay badaleen) in badana wuu ka uumusayaa waxaa dhab ah inuu idinka yimid xaga Rabi nuur iyo kitaab cad. Ilaahay wuxuu ku hanuuniyaa cida raacda raali ahaanshihiisa wadada toosan wuuna kasaari mugdiyada una saari dhanka nuurka idankiisa kuna hanoonin wadada Toosan ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi: kuwii ka gaaloobay quraanka markuu u yimid (waa la cadaabi) kitaabkanina waa mid sharaf leh (wax baadil ahna hortiisa iyo gadaashiisa mayimaado waa quraan ka soo dagay xaga Ilaaha xikmada badan lana mahdiyo). ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi: (Waxaa lay waxyooday aniga (muxamed) ah quraankan inaan idiinku digo idinka iyo ruuxa uu gaadhaba) ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi: (Quraankani waa ogaysiin iyo gaarsiin dadka la gaarsiinayo looguna digayo) Aayadaha macnahaas ku tusayaana way badan yihiin, sidoo kale waxa jira axaadiis ka sugnaatay rasuulka s.c.w oo na amraysa qabsashada qur'aanka iyo ku dhaganaan shihiisaba, taasina waxay ku tisinaysaa in cidii raacda quraankaas uu ku sugan yahay hanoon kii ka tagana baadi axaadiistaa waxaa kamid ah in uu Nabigu s.c.w khudbadiisii Xajatu wadaac ku yidhi: (Waxaan idiinka tagayaa dhexdiina shay hadaad qabsataan aydaan lumayn waana kitaabka ilaahay) waxaa saxiixiisa ku wariyey muslim waxaa kusugan saxiixu muslimka sidoo kale oo laga wariyey zeyd bin Arqam r.c. inuu nabiga s.c.w yidhi: anigu waxaan idiinka tagay laba culus kan koowaad waa kitaabka ilaahay waxaana kusugan hanuun iyo nuur ee qaata kitaabka kuna dhega wuxuuna kubooriyay kitaabka ilaahay kadibna wuxuu yidhi: iyo ahlu-beytkayga, ilaahayna waan idinku xasuusinayaa inaad ilaalisaan ehlu-baytkayga (xaqooda). Odhaah kale waxa ku sugan inuu yidhi quraanku: waa xariga ilaahay qofkii qabsadana wuxuu ku suganyahay hanuun dushii qofkii ka tagana baadi buu ku suganyahay. axaadiista sidaa tilmaamayo way badanyihiin, Waxay isku raaceen ehlu cilmiga iyo ehlu iimaanka ee Saxaabada ah iyo kuwii ka danbeeyey inay waajib tahay qabsashda kitaabka ilaahay oo laysku xukumo iyo sunnada rasuulka s.c.w, hadalkaasaana nagaga filan inaan ku dheeraano daliilooyinka badan ee ku soo arooray arintan. Asalka labaad waa wixii ka ansaxay rasuulka iyo saxaabada iyo culimadii kadanbeeyey Asalka labaad: wuxuu kamid yahay sadexda asal ay culamadu isku Raaceen ee nabiga n.n.k.h iyo ehlu cilmigii ka danbeeyayba ka sugnaaday, waxayna rumaynayaan asalkaa wayna ka dhiganayaan xujo wayna barayaan umada, waxayna Culimadii arinkaa ka qoreen kutub badan wayna ku cadeeyeen kutubta usuulu fiqhiga iyo mustalax xadiiska ah addilada arinkaa tusinaya lama koobi karo badnaan darteed. waxaa kamid ah wixii ku yimid kitaabka oo ah in la is faray raacida iyo adeecida rasuulka amarkaasna wuxuu ku wajahnaa ama uu ku socdaa dadkii waqtigiisa joogay iyo kuwii ka danbeeyey, waayo waa rasuulkii ilaahay ee loo soo diray iyagoo dhan. waana la faray raacida iyo adeeca rasuulka inta ay qiyaamo ka iman. waayo nabiga s.c.w isaga fasiray wax kasta oo kitaabka Ilaahay uusan faahfaahin oo lasoo koobay, wuxuuna ku cadeeyey hadalkiisa iyo ficilkiisa iyo wixii la sameeyey uusan ka hadlin. hadaysan jirin wax xadiis ah muslimiinta maysan garteen tirada rakcadaha salaada iyo qaabka loo tukado iyo waxa dhexdeeda ku waajiba. sidoo kale magarteen soonka axkaamtiisa iyo zakada iyo xajka iyo jihaadka iyo isfarida wanaaga iyo iska reebida munkarka iyo axkaamta wada dhaqanka iyo waxyaabaha xaaraanta ah iyo wixii waajibinayay xuduuda iyo cuquubaatka ilaahay. ee ku soo arooray qur'aanka. aayadaha tusina arintaasna waxaa kamid ah hadalkii ilaahay ee suuratu Aal cimraan: (adeeca ilaahay iyo rasuulkaba waxaa xaq iyo dhab ah inuu ilaahay idiin naxariisanayo) iyo Qowlkii ilaahay Ee suuratu An-nisaa: (kuwa xaqa rumeeyow adeeca ilaahay iyo rasuulka iyo kuwa waliyi amri idiin ah, hadaad isku khilaaftaan arina uceliya ilaahay (kitaabkiisa) iyo rasuulka (sunnadiisa) hadaad tihiin kuwa rumeeyey allaah iyo maalinta danbe sidaas baa idiin khayr badan una wanaagsan cidhibtiina danbe) iyo qowlki Ilaahay ee suurada An-nisaa sidoo kale: (qofkii adeeca rasuulka wuu adeecay ilaahay qofkii jeestana (wuu khasaari) adigana muxamadow kuma saarno waxaan ka ahayn gaarsiinta diinta) sidee bay u suurta u tahay in la adeeco rasuulka oo aan loo celinayn wixi ay dadka isku khilaafaan kitaabka allah iyo sunada rasuulka, hadiiba aanay sunadiisu xujo noqonayn ama aan la ilaalinba hadii hadalkaa aanuu qaadano waxa ay noqonaysaa in la ilaahay inooga dhigay marjic loo noqdo meel aanan waxba jirin arinkaana waa kan ugu baadilsan ugu gaalnimadiisuna wayn tahay iyo Eebo oo laga malaysto wax aan suurto gal ahayn iyo Qolkii ilaahay Ee suuratu An-naxli (Quraanka ayaan kugu soo dejiney nabi Muxamadow si aad dadka u bartid quraanka lagu soo dejiyey markaas waxay mudan yihiin inay fakiraan) Ilaahay sidoo kale wuxuu ku yidhi suuradaas: (kumaanaan soo dajin Quraanka korkaaga ilaa si aad dadka ugu cadaysid waxay isku khilaafeen dhexdiisa quraankuna wuxuu hanuun iyo naxariis u yahay dadka iimaanka leh) siday usuurta gali in uu ilaahay u wakiisho rasuulka cadeenta diinta iyo sunadiisa ayagoo waxaan jirin ama aan xuja ahayn? waxaa sidoo kale lamid ah qowlka ilaahay Ee suuratu al-Nuur: (Nabi muxamadow ku dheh adeeca ilaahay iyo rasuulka haday jeestaan waxaa saaran dusha nabiga waxii lasaaray oo kaliya idinkana wixii dushiina lasaaray hadaad nabiga adeecdaan waad hanuunaysaan rasuulkana waxaa laga raabaa uun gaarsiinta diinta) wuxuu ku yidhi isla suurada: (ooga salaada zakadana bixiya rasuulkana adeeca waa xaq in la idiin naxariisanayo) wuxuu ilaahay ku yidhi suuratul-acraaf: (Ku dheh nabi muxamadow dadow anigu waxaan idiin ahay dhamaantiin rasuulka ilaahay Ilaahaas oo ah kan hanta cirarka iyo dhulka mana jiro illaah xaq lugu caabudo aan ahayn isaga kaligii isagaa wax dilla waxna nooleeya ee rumeeya ilaahay iyo rasuulka Ummiga ah kaasoo rumeenaya ilaahay iyo weedhihiisaba ee dadow raaca nabigaas waad hanuunaysaan) aayadahaas waxay daliil cad u yihiin in hanuunku iyo naxariista ay ku jirto raacida nabiga marka siday u suurta gali inaan lugu camal falin sunadiisa ama la yiraahdo sunada wax sax ah ma'aha ama la cuskan karo ilaahay wuxuu ku yidhi suuratu an-nuur (Haka digtoonaadaan kuwa khilaafaya amarka nabi mmuxamed inay ku dhacdo fitno ama cadaab xanuun badan). wuxuu ilaahay ku yidhi suuratul xashri (wuxuu rasuulka idinla yimaado qaata wuxuu idinka reebana kareebtoona) Aayadaha macnahaa sheegaya way badanyihiin dhamaantoodna waxay tilmaamayaan inay waajib tahay in la adeeco nabiga lana raacana diinta uu layimid sidii noogu soo hormartay daliilo tusinaya waajibnimada raacida kitaabka ilaahay iyo adeecida waxyaabaha uu amray ama uu reebay labadaasna asalna makala maarmaan qofkii diida mid kamid ah kan kalana wuu diiday wuuna beeniyay arintaasna waa gaalnimo iyo baadi siday isku waafaqeen ehlu cilmiga iyo iimaanka. oo ah axaadiistii laga wariyey nabiga axaadiis mutawaatir ah ayaa laga wariyey in ay waajib ay tahay adeecidiisa iyo raacida wuxuu la yimid iyo xaaraantinimaynta in la caasiyo waana waajib saaran qof waliba oo joogay waqtigii nabiga iyo qof kasta oo imaanaya inta qimaama laga gaari, waxaa kamid ah xadiis labada saxiix kuyaalao laga wariyey abuu hureera in nabiga s.c.w uu yidhi: qofkii i adeeca ilaahay ayuu adeecay qofkii i caasiyana ilaahay ayuu caasiyay waxaa kusugan saxiixul-bukhaariga in abuu hureera wariyey in nabiga s.c.w uu yidhi: (Umadayda dhan janada ayay galayaan qofkii diida mooyee waxaa rasuulka loo yidhi waa kuma qofka diidaya janada? wuxuu yidhi: qofkii i adeeca janada ayuu galayaa qofkii i caasiyana wuu diiday janadii) wuxuu soo saaray Axmed iyo abuu daawuud, xaakimna sanad saxiix ah kaga warinayaa Miqdaad bin macdii karib in uu rasuulka ka wariyey inuu yidhi: waxaa lay siiyay kitaabka iyo wax lamid ah waana sunadadeeda waxaana dhaw in uu nin dharagsan oo kudangiiga sariir yidhaahdo qabsada quraanka kaliya waxaad kaheshaana oo xalaal ah xalaalaysta wixii xaaraan ahna xaaraan kadhigta wuxuu soosaaray abuu daawuud iyo ibnu maajah Zanad saxiix ah in laga wariyey ibnu abii raafic isagna aabihiis uu kawariyey in uu nabiga yidhi: (yaan helin qofkiin oo kudangiiga sariir qurux badan oo u imanaya arin diinta kamid ah oo ah waxaan amray ama aan ka reebay oo kadiban oranaya waxaan kitaabka ilaahay ka helno uunbaan raacaynaa Xasan bin jaabir waxaa laga wariyey inuu yidhi waxaan maqlay miqdaad bin Macdii-karib r.c oo oranaya: Rasuulku s.c.w wuxuu xarimay maalintii khaybar waxyaalo kadibna wuxuu yidhi: qofkiin wuxu u dhawyahay inuu i beeniyo isagoo dangiiga xadiis aan leeyahay ayuu kasheekeen uu oran dhexdeena iyo dhexdiina waxaa ah kitaabka ilaahay waxaan kahelno oo xalaal ah waan ka xalaaldhiganaynaa wixii xaaraan ahna waan iska xarimaynaa, ee ogaada wuxuu rasuulka ilaahay xarimo wuxuu lamid yahay wuxuu ilaahay xarimay waxaa soo saaray al xaakim iyo tirmidi iyo ibnu maajah zanad saxiix ah axaadiis badan oo mutawaatir ah ayaa rasuulka laga wariyey inuu asxaabtiisa u dardaami jiray khudbadiisa inay dardaarankiisa gaarsiiyaan kuwa kamaqan wuxuu yidhi: waxaa badan in qofka wax lagaarsiiyay uu ka xafid iyo weelayn badan yahay kii dhagaystay xadiiska waxaa kamid ah xadiis saxiixeenka ku jira in rasuulka s.c.w markuu ka qudbeeyey xajatul wadaac maalitii carafo iyo maalintii gowraca uu ku yidhi: kan jooga ha gaarsiiyo kan maqan waxaa badan in kan wax lagaarsiiyay uu ka weelayn badan yahay kii dhagaystay xadiiska hadii ayna sunada iyo axaadiista xujo ku noqonayn ruuxii maqlay iyo kii lagaarsiiyay, hadaysan baaqi noqonayn ilaa inta laga gaarayo qiyaamaha muusan amri lahayn in lagaarsiiyo, waxaana halkaa laga ogaan inay sunadu tahay mid xujo ku ah cidii ka maqasha afka nabiga scw iyo cidii lagu gaarsiiyaba sanad (dariiq) saxiix ah Saxaabada Rasuulkuna scw waxay inoo ilaaliyeen sunadiisa, mida ah hadalkiisa iyo ficilkii uu sameeyayba wayna gaarsiiyeen dadkii ayaga kadanbeeyey oo taabiciinta ahaa taabiciintiina way sii gaarsiiyeen kuwi kadanbeeyey, sidaas oo kale ayay culimada lugu kalsoon yahayna usoo gudbiyeen jiilba jiil qarniba qarni kutubtoodaydana kusoo ururiyeen oo ay kala cadeeyeen mida saxiixa ah iyo wixii daciif ah waxayna udajiyeen si loo garto sunada mida saxda ah iyo mida daciifka ah qawaaniin u dhaxaysa dhexdooda oo lugu kala garto arinkaa Ehlu cilmiga waxay arinkaa ku wariyeen kutubtooda wayna ka xafideen dhamaan kuwa raba in ay wax ka badalaan iyo kuwa diin-laawayaasha ah iyo kuwa baadilka ku suganba, siduu ilaahayba uu u xafiday kitaabkiisa iyadoo laxaqiijino hadalka ilaahay: (anaga (Ilahay) ayaa soo dajinay quraanka anaga ayaana xifdiyayna) Shakina kum jiro in sunada Rasuulkuna (s.c.w) ay tahay waxyi lasoo dajiyey ilahayna wuu xafiday sida kitaabkiisa oo kale wuxuuna u soo saaray culimo wax kala sooca oo ka ilaaliya dadka xun waxay ka badalaan iyo kuwa jaahiliinta ee sida xun wax u fasirta iyo beenaalayaasha, waayo ilaahay wuxuu ka yeelay sunada mid fasiraysa wixii kitaabka aan lagu balbalaadhin oo axkaam ah, sidoo kale waxay xanbaarsan tahay axkaam kale oo aan lugu cadayn kitaabka, tusaale ahaan axkaamta nuujinta hooyada iyo qaybo kamida dhaxalka, iyo inay xaaraan tahay in lawada guursado haweenay iyo edadeed ama habaryarteed iyo waxyaaba kale oo badan oo aan lagu faahfaahin quraanka ayay cadaysay sunadu. oo ah wixii kasoo arooray asxaabta iy taabiciinta iyo kuwii kadanbeeyey oo kamida ehlu cilmiga Hadii aan ka bixino tusaaleyaal ka soo arooray saxaabada iyo taabiciyiintiiba sida ay u waynayn jireen Sunada waxa ka mida: labada saxiix waxay wariyeen in abii hureeraAllaha ka raali noqdee: markii uu dhintay Rasuulka ilahay scw oo ay dib u gaaloobeen qaar kamid ah carabta wuxuu yidhi abuu bakar: wallaahi waan la dagaalami qofkii kala qaada salaada iyo zakada Cumar baa ku yidhi: Allaha ka raali noqdee sideebaad ula dagaalami isagoo nabiga scw yiri: waxaa lay amaray inaan la dagaalamo dadka ilaa ay ka qiraan ilaah xaq lugu caabudo inuusan jirin ilaaha (wayn) mooyee haday qiraan midaas waxay iga ilaaliyeen dhiigooda iyo maalkooda wixii loogu leeyahay waajib mooyee (sida zakada) Abuu bakar wuxu yidhi: Zakadu miyayna ahayn xaqqaas, ilaah baan ku dhaaranayaaye haday ii bixin waayaan wax yar oo ay siin jireen rasuulka s.c.w waan kula dagaalami diidmadaas. cumar baa ku yidhi: (R.C) waxaan ogaaday in ilaahay ku iftiimiyay laabta Abuu bakar la dagaalanka kuwaas, xaqna ku taagan yahay Abu bakar saxaabadiina way ku raaceeb arinkaa wayna la dagaalameen kuwii ridoobay ilaa ay kusoo celiyeen islaamka intii diidayna way laayeen qisadaas waxay daliil u tahay waynaynta sunada iyo waajibnimada ku camal falkeeda waxaa u yimid ِAbu bakar ayeeyo waydiinayso dhaxalkeeda wuxuu ku yidhi: kitaabka ilaahay kuma ogi dhaxalkaaga mana ogi in Rasuulka ilaahay scw inuu wax siiyey ayeyda laakiin dadka ayaan waydiinayaa, markuu waydiiyay saxaabada qaarkood baa umarqaati noqday in uu nabiga s.c.w uu siiyey ayayda sudus (lix meelood meel) sdii ayuu isagna u xukumay. cumarna wuxuu ahaa mid udardaarma shaqaalihiisa in dadka ay ku kala xukumaan kitaabka ilaahay hadii ay ka waayaana sunada Rasuulkiisa scw. markii Cumar rc. shaki ka galay xukunka uurku-jirka lagaga soo rido hawaynada si xad gudub ah isagoo mayd ah, saxaabada ayuu weediiyey arintaas, waxaa marqaati kanoqday maxamed bin maslamah iyo muqiira bini shucbah rc. in nabigu s.c.w uu kuxumay arinkaa adoon yar qiimahiisa Cumarna rc sidii oo kale ayuu xukumay markii uu cuthmaana shaki kagalay haweenaydii laga dhintay meesha ay kucida baxayso ayaa waxa u warantay Fureeca bintu maalik oo ahayd abuu siciid walaashii in uu nabiga scw amray inay kunagaato guriga ninkeeda kadib markii uu ka dhintay odaygeedii ilaa cidada ay kabaxayso, sidii ayuuna qaatay oo uu kuxumay. sidaas oo kale ayuuna kuxumay in lagaga oofiyo xadka ninkii Waliid bin Cuqbah ee cabay khamriga markii ay soogaartay Cali rc. in uu cuthmaan rc. uu diidan yahay nooca xaj mutcah lala yimaado ayuu Cali mutcadii soo xidhay, (si uu u tuso in ay banaan tahay) wuxuuna yidhi ugama tagayo sunada rasuulka qof hadalkiisa, markii ibnu cabaas lugu yidhi in Abu bakar iyo Cumar u arkayaan in xajka kaligiis ah ka fadli badan yahay midka mutcada ah, wuxuu yidhi: waxaa dhaw in samada laydinka dhagaxeeyo waxaan idinku leeyahay rasuulkii baa yidhi idinkuna waxaad i leedihiin abuubakar iyo cumar baa saa yidhi. hadii qofkii qaatay hadalka Abubakar iyo Cumar ee khilaafay sunada looga baqay cuquubo, bal sidee ayuu noqon xaalka qofka aan qaadan hadal ayna odhan labadaasi amaba raacay wixii hawadiisu u yeedhisay. markii dadka qaarkii kula doodeen C/laahi bin Cumar R.c. qaybo ka mid ah sunada, wuxuu ku yidhi: Ma waxaa nala amray in aan raacno Cumar mise sunada? Markii nin ku yidhi Cimraan ibnu Xuseen r.c quraanka kaliya nagu waani isagoo ku waaninaya sunada aad ayuu ku cadhooday wuxuuna yidhi: Sunadu waxay fasiraysaa kitaabka ilaahay, hadii aysan jirina maanaan garaneen in duhurku yahay afar rakcadood, maqribkuna sadex fajrigana labo zakadana wax badan kamaanan ogaan lahayn, iyo arimo kale oo sunadu cadaysay xukunkeeda. iyo wixii laga soo wariyey saxaabada oo ah in lawayneeyo sunada rasuulka scw. waajibna tahay kucamal falkeedu iyadoo laga digtoonaanayo in la khilaafo, waxaa sidoo kale kamid ah in Cabdilaahi bin Cumar markuu sheegay hadalka nabiga s.c.w gabdhaha adoomada ilaahay ah ha u diidina masjidyada ilaahay wiilashiisa qaar kamid ah baa yidhi: walaahi waan u diidaynaa wuuna ku xanaaqay aadna wuu u hiifay wuxuuna yidhi: waxaan idin leeyahay rasuulka scw ayaa sidaa yidhi adna waxaad leedahay waan u diidi, sidoo kale markuu Cabdilaahi ibnu muqafal qaar kamid qaraabadiisa oo tuuray far-gan (finiin) wuu ka reebay arintaas ibnu cumar wuxuu ku yidhi: nabigu s.c.w wuu reebay in wax la tuuro wuuna yidhi: far-ganku ugaadha na kuuma dilayo cadawgana kaama celinayo laakiin wuxuu tuuraa iliga iyo isha kadib markale ayuu ku arkay isagoo wax tuuraya oo ku yidhi walaahi markale kulama hadlayo, waxaan kuu sheegay in Rasuulku scw reebay tuurista adiguna waad ku laabatay? Al beyhaqi wuxuu soosaaray in Abuu ayuub Al sukhtiyaani oo taabici ahaa yidhi: Hadaad nin uga sheekayso sunada oo uu ku yidhaahdo naga daa midaas oo quraanka uun nooga waran oo ogoow iinuu baadi ku suganyahay, Alawzaaci wuxu yidhi: sunadu waxay dabarr iyo cadayn u tahay kitaabka ilaahay iyo axkaam aan lugu sheegin Ilaahay s.w wuxuu yidhi: {Quraanka ayaan kugu soo dejiney si dadka ugu cadaysid wixii lagugu soo dejiyey waxay mudan yihiin inay fakiraan} waxaan hore u sheegnay in Rasuulku scw, yidhi: baraarugaay waxaa lay siiyey kitaabka iyo wax lamid ah (sunada rasuulka) Albeyhaqi wuxuu soo saaray in Caamir Alshacbi uu ku yidhi dadka badhkood: waxa idin halaagay marka aad katakteen wixii soo arooray oo looga jeedo Axaadiista saxiixa ah Albeyhaqi waxa kale ee uu soo saaray oo uu ka wariyay Alawzaaci in uu ku yidhi asxaabtiisa qaar kamida: haduu idinka soo gaaro Rasuulka ilaahay scw, xadiis waxaan kaaga digayaa inaad dhahdo waxaan xadiiskaa ahayn, ogaada Rasuuku wuxuu ina soo gaadhsiinayaa waxyi ilaahay. Albeyhaqi waxa kale oo uu ka wariyay Imaamka wayn ee Sufyaan As-sawri in uu yidhi: cilmiga dhamaantii waa barasha midka soo arooray Imaam Maalik wuxuu yidhi qof walba oo naga mida hadalkiisa waa la qaadan waana la diidi marka laga reebo qofka qabrigaas ku jira, wuxuuna gacanta ku fiiqan qabriga Rasuulka scw. Imam Abu Xaniifa wuxuu yidhi: haduu xadiiska kaaga yimaado rasuulka Ilaahay scw madaxa iyo indhaha saaro Imam Shaafici wuxuu yidhi: hadaan ka wariyo Rasuulka ilaahay scw xadiiis saxiixa oo aanan ku camal falin waxaad marag ka noqotaan inuu caqligaygu tagay waxa kale oo uu yidhi Shaafici: hadaan ku hadlo hadal oo uu idiinka yimaado Rasuulka scw xadiis hadalkayga waydaarsan, hadalkaygaas ku tuura gidaarka Imaam Axmed wuxuu ku yidhi qaar ka mid ah ardaydiisa: ha'igu dayanin aniga ama Imaam Maalik ama Imaam Shaafici ee waxaad cilmiga kaqaadataa meesha ay kaqaateen, Waxa kale oo uu yidhi: waxaan layaabay dad ogaaday Zanadka xadiiska iyo saxiixnimadiisa oo hadana u leexanaya dhanka hadalka Sufyaan, Ilaahayna sw wuxuu leeyahay: (Haka digtoonaadaan kuwa khilaafaya amarka (nabi mmuxamed) inay ku dhacdo fitno ama cadaab xanuu badan). wuxuu yidhi magaranaysaa waxa ay tahay fitnada? fitnadaasina waa shirkiga, waxaana dhici karta marka la diido hadalka nabiga scw in qalbigiisa uu ku dhaco halow oo uu halaagsamo. Al beehaqi wuxuu soosaaray isagoo ka warinaya Mujaahid bin jabar oo taabici wayn ah inuu ka yidhi qawlka Ilaahay sw. ee ah {hadaad isku qabaatan wax diinta kamid ah u celiya ilaahay iyo rasuulkiisa} wuxuuna ku fasiray in celinta ilaahay tahay kitaabkiisa loo celiyo mida rasuulkuna sunadiisa loo celiyo. Al Beehaqi wuxuu soosaaray in uu zuhri yidhi: Culimadii naga horeeyey waxay oran jireen in sunada laqabsadaa waa badbaado, Ibnu qudaamana wuxuu yidhi:kitaabkiisa Rawdatu An-naadir:markuu kasheekeenayay axkaamta usuusheeda: Asalaka labaad ee adilada waa sunada rasuulka scw hadalka rasuulkanu waa xujo kutusinaysa mucjiznimada runtiisa ilaahayna wuxuu na amray inaan rasuulka adeecno oo aan kadigtoonaano inaan khilaafno amarkiisa. intaas ayuu ku dhanyahay ujeedada hadalku Ibnu kathiir wuxuu yidhi markii uu tafsiirinayay hadalka Ilaahay: {Haka digtoonaadaan kuwa khilaafaya amarka (nabi mmuxamed) inay ku dhacdo fitno ama cadaab xanuu badan} Amarka Rasuulku scw waa wadadiisa iyo manhajkiisa iyo sunadiisa, hadal kastana waxaa lugu miizaamayaa hadalka iyo camalada Nabiga scw waxii waafaqa hadalkiisana waa la aqbali wixii khilaafana waa lugu celin kii ku hadlay ciduu doodana ha noqdee labada saxiixayn iyo kutubta kaleba waxay ka wariyeen Rasuulka scw inuu yidhi (Qofkii sameeya camal diinta laxiriira oo aan waafaqsanayn diinteena waa lugu celinayaa) ee haka baqeen oo haka digtoonaadeen inay khilaafaan shariicada rasuulka scw si hoose iyo si muuqataba inay ku dhacdo fitno wayn taas oo macnaheedu yahay in quluubta kaga dhacdo gaalnimo iyo munaafaqnimo iyo bidco ama uu haleelo cadaab xanuun badan wuxuu aduunka noqon karaa in lugu dilo ama xad lugu qaado ama laxiro iyo wixii lamid ah, Sida Imam Axmed ka wariyay C/risaaq kadibna Macmar kadibna Hammaam in uu yidhi: kani waa midkaan ka warinay Abuhurayrah oo leh: Rasuulku scw wuxuu yidhi: Tusaalahayga iyo kiinaba waxaa weeye sida nin shiday dab markuu ifiyay hareertiisana ay bilawday balinbaalista iyo cayayaankuba inay ku daataan dabkii isagna uu ka celinayo laakin ay isku tuurayaan, sidaas weeyi tusaalaheenu, waxan idinhayaa gunti-xirka si aydaan naarta ugu daadan, idinkuna waad fakanaysaan si aad ugu hoobataan. waxa soo saaray labadooda waa axaadiista uu wariyay C/risaaq Sheekh Suyuudi wuxuu ku yidhi kitaabkiisa miftaaxul Jannah fil ixtijaaj bi Sunah: ogaada ilaahay ha'idiin naxariitee in qofkii diida xadiiska Rasuulka scw ha noqdo hadalkiisa ama ficilkiisee yahay mid xujo ah in uu gaaloobayo oo uu ka baxayo xerada islaamka, lana soo xaadirayo qiyaamaha Yuhuuda iyo Nasaarada ama gaalada kaleba. hadalkaa ujeedadiisu intaasay ku eegtahay. raadadka laga wariyey saxaabada iyo culimada oo ah in lawayneeyo sunada iyo waajibnimada kucamal falkeeda iyo in laga digtoonaado in la khilaafana way badan yihiin. waxaan rajeenayaa waxaan sheegnay oo aayado iyo axaadiisba ah inay nugu filan tahay oo qancinaysa qofkii xaqa inuu raaco doonaya. anaga iyo muslimiintoo dhan ilaahay waxaan ka dalbeenaa inuu ina waafajiyo wuxuu karaali yahay iyo inuu naga badbaadiyo asbaabta keenta cadhadiisa. iyo inuu nugu hanuuniyo wadadiisa iyo tubta toosan ilaahayna waa kan maqla una dhaw adoomadiisa. Naxariis iyo nabad galyo ha ahaato korkooda adoonkiisa iyo Rasuulkiisa Nabi Muxamed scw.iyo ehelkiisa iyo saxaabadiisa iyo kuwii ku raacay wanaaga. Cabdil Aziiz bin Cabdullaahi bin Baaz (kdkdkdk) ilaahay ha u naxariisto Ku camal falka sunnada iyo axaadiista Rasuulka s.c.w waa waajib Qofkii inkirana wuu gaaloobay Hordhaca Kitaabka: USUUSHA LA CUSKANAYO MARKA LA SUGAYO AXKAAMTA:

Use Quizgecko on...
Browser
Browser