SAYNIS FASALKA 8AA PDF

Summary

This Somali science textbook for the 8th grade covers fundamental concepts including scientific measurements, matter, compounds, human body systems, environmental resources and natural phenomena. The book includes various activities and exercises.

Full Transcript

SAYNIS BUUGGA ARDAYGA Fasalka 8 DAWLADDA DEEGAANKA SOOMAALIDA XAFIISKA WAXBARASHADA Buuggan Ilaali oo daryeel Buuggani waa hant...

SAYNIS BUUGGA ARDAYGA Fasalka 8 DAWLADDA DEEGAANKA SOOMAALIDA XAFIISKA WAXBARASHADA Buuggan Ilaali oo daryeel Buuggani waa hantida Dugsigiina Daryeel si aynan waxyeelo u gaadhin ama u lumen Hoos waxa kuxusan 10 fikradood oo ah talooyin kaa caawinaya sidaad buugga u ilaa lin lahayd una daryeelaysid 1. Buugga ku jaldiyee jaldi ku haboon dhawrista sida Balaastiga waraqad adag sida magaasinada la akhristay. 2. Markasta meeshaad buuga dhigaysaa waa in ay ahaataa meel nadiif ah oo engagan. 3. Buugga marka aad isticmaalaysid waa in ay gacmahaagu nadiif ahaadaan. 4. Waxna ha ku qorin buugga jaldigiisa ama boggaga dhaxdiisa. 5. Isticmaal waraaqad yar ama kaardi yar markaad bog calaamadaysanaysid. 6. Waligaa ha ka jeexin ama haka gooynin sawir ama bog. 7. Boggaga jeexma ku kab. Xabag ama balastar. 8. Buugga markaad dugsiga u qaadanaysid boorsada ama shayga aad ku qaadanaysid qumaati u dhaxdhig si uunan u jacdadin ama u jajabin. 9. Buugga markaad qof kale u dhibaysid si taxadar leh ugu dhiib. 10. Buugga cusub marka ugu horeysa ee aad isticmaalkiisa bilaabaysid dhiniciisa ay boggagiisa u dan beeya ay ku yaaliin u jiifi kadibna markiiba dhawr bog fur ama bannee. Marka aad bog rogaysid, Cidhifka uu ka taxan yahay gacanta kale ku yar xaji. Sidaasina daryeelka jaldiga buugga ayey u wanaagsan tahay. Qorayaasha Buugga 1. _________________________________ 2. _________________________________ Tafatirayaasha Buugga 1. _________________________________ 2. _________________________________ Isku dubaridayaasha 1. _________________________________ 2. _________________________________ Naqshada Buugga 1. Axmed Saalax nuur MAHADNAQ Marka hore, waxaan si sharaf iyo maamuus leh mahadnaq ballaaran u soo jedinaynaa Cid kasta oo gacan ka geysatay soo saarista Buuggan, gaar ahaan Mas’uuliyiinta heerarka kala duwan haday noqota Xukuumada DDS & Hogaaminta Xafiiska Waxbarashada DDS. Waxaan sidoo kale mahadnaq usoo jeedinaynaa Hawlwadeenada Barnaamijka Horumarinta tayada Waxbarashada ee GEQIP-E oo Gacan dhaqaale ka gaystay diyaarinta barnaamijka Manhajkan Cusub. Ugu dambayntii, waxaa mahadnaq naga mudan dhammaan shaqaalaha Waaxda Horumarinta Manhajka & Cilmi baadhista Xafiiska Waxbarashada DDS oo Wakhti iyo Maskaxba galiyay Manhajkan Cusub iyo Aqoonyahannadii ka qaybqaatay diyaarinta Manhajka cusub, gaar ahaan Qoreyaashii Buuggan. --------------------------------------------------------------------------------------------------- © 2014 T.I Xafiiska waxbarashada ee Dawlada Deegaanka Soomaalida. Xuquuqda buuggani waxay u dhawran tahay Xafiiska Waxbarashada ee DDS. Buuggan qayb ka mid ah ama isaga oo dhan midna lama guurin karo lama daabici karo lamana baahin karo, iyada oo la adeegsanayo qalabyada elektiroonika iyadoo ogolaansho qoraal ah aan laga haysanin Xafiiska Waxbarashada ee DDS. Tusmada buugga Cutubka 1aad 1. Baadhis sayniseedka aasaasiga ah…………..……….…..1 1.1 Cabbiraad sayniseed………………………………..……….1 1.2. Samaynta baadhid sayniseed.…………..…………………18 Cutubka 2aad 2. Samaysinka maatarka…………..…………..……….….....33 2.1 Aragtidii hore ee samaysinka maatarka…………..…..…….34 2.2 Guddaha atamka...………..…………..…………..………..37 2.3 Moolikuyuulada…………..…………..…………..………..44 Cutubka 3aad 3. Kala soocida iskudhisyada ………..…………..…………..51 3.1. Noocyada iskudhisyada ……..…………..……………...52 3.2 iskudhiyada orgaaniga ah…………..…………..…………. 53 3.3 iskudhisyada aan-orgaaniga ahayn…………..…………… 60 3.4 falgalada isdhexdhexaadka iyo cusbooyinka…………..…. 83 Cutubka 4aad 4. Habdhisyada jidhka ee dadka iyo caafimaadka….……95 4.1. Habdhiska maqaarka…………..…………..…….…………96 4.2. Habdhiska muruqyada…… ……..…………..……………101 4.3. Habdhiska qalfoofka …………..…………..……………..106 4.4. Habdhiska dheef-shiidka…………..…………..……..…. 109 4.5. Habdhiska neefsiga………….. ……………..…..………. 119 4.6. Habdhiska wareega dhiigga…………...………….. …… 124 4.7. Habdhiska taranka…………..…………..…… ………… 129 i Cutubka 5aad 5. Gayiga iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga………...…..143 5.1 Gayiga iyo xidhiidhada baayoolajiyeed… …… …… …..145 5.2 Ilaalinta khayraadka dabiiciga… ……….. …… ………..165 Cutubka 6aad 6. Bah-qorraxeedka. …………..…………..………….. 185 6.1. Bahda hab qorraxeedka. …………..…………..……... 186 6.2 Samaysanka bah-qorraxeedka…………..……………. 189 6.3. Isbarbar dhigga dhulka iyo bahda qorraxda ee kale.… 195 6.4. Meeraha dhulku waa mid ku haboon nolosha………....197 Cutubka 7aad 7. Dhacdooyinka duleed ee innagu xeeran. ……….…....201 7.1. Ilayska …………..…………..…………..……………202 7.2. Araga iyo humaagga …………..…………..…………..205 7.3. Jabaq …………..…………..…………..……………..210 7.4. Kulka …………..…………..…………..……………217 7.5. Mareegta fudud …………..…………..………………218 ii 1 Cutubka 1aad 1. Baadhis sayniseedka aasaasiga ah 1.1 Cabbiraad sayniseed Barashada karti uyeelashooyinka: dhammaadka cutubkan ardaydu waxay awoodi doonaan inay:  Gartaan cabbiraada halbeegyada (dhererka, cufka, Aminta iyo mugga)  Sharaxaan fikrada guud ee cabbiraada xaddiyada fisikeed.  Sharaxaan tallabooyinka dariiqooyinka sayniseed.  Soo bandhigaan kartidooda shaqo si hufan islamarkaan tixgaliyaan ardayda kale si ay u xaqiijiyaan tijaabooyinda. 2 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah Hordhac Xirfadaha ugu muhiimsan ee barashada sayniska midka mid ahi waa cabbiraada, Fasalkii 7aad waxaad ku soo barateen qeexida sayniska iyo laamihiisa. Cutubkan waxaan ku barandoonaa cabbiraadaha sayniseed, cabbiraada halbeeg saleedka iyo halbeeg dhiraandhirineed iyo cabbiraada xaddiyada fisikeed. Hawlgal 1.1 Dood kooxeed 1. Waa maxay muhiimada cabbiraada saynisku u leedahay barashada sayniska? 2. Isbarbardhig oo sheeg faraqa u dhexeeya halbeeg saleedka iyo halbeeg dhiraandhirineedka? 3. Sheega noocyada cabbiraada? Saynis ahaan, cabbiraadu waa ururinta xogta ama xogta tirada taas oo qeexaysa astaanta duleed ee walaxda, dhacdada ama ifafaalaha. Cabbiraada waxa lagu sameeyaa isbarbardhiga walax aan la aqoonin qiyaasteeda iyo halbeeg sugan. Waxaynu soo sheegnay in saynisku ku salaysan yahay cabbiraad iyo tijaabooyin. Haddaba si aan u barano cabbiraada sayniska; waxa lagama maarmaan ah inaan fahano sida wax loo cabbiro iy halbeega loo baahan yahay ee ku haboon cabbiraadaasi. Marka wax la cabbirayo waxa haboon in la adeegsado; qalab, hab iyo halbeeg ku haboon. Sidaa daraadeed marka wax la cabbirayo waxaa la isbarbardhigaa walaxda la cabbirayo ee la doonayo in la ogaado qiyaasteeda iyo qalab cabbir qiyaas sugan leh, waxaana la eegayaa xidhiidhka ka dhexeeya labadooda. Cabbir dhaqameedka Hawlgal 1.2 1. Waa maxay cabbiraad dhaqameedku? 2. Degmada aad ku nooshahay maxaa lagu cabbiraa dhererka, cufka, aminta iyo mugga? Dadkii hore waxay adeegsan jireen marka ay wax cabbirayaan qaar ka mid ah xubnaha jidhkooda. Tusaale ahaan marka ay cabbirayaan dhererka waxay adeegsan jireen taakada, Cutubka 1aad 3 dhudhunka, baaca, iwm. Sidaa oo kalena markay cabbirayaan aminta waxay adeegsan jireen hadhkooda iyo qorraxada. Haddaba cabbiraadahaasi ma ahayn kuwa lagu kalsoon yahay qiyaastooda, sababtuna waxay tahay maadaama oo la adeegsanayo xubnaha jidhka, waxaa iska cad xubnaha jidhka dadku islama le’eka oo way kala weyn yihiin. Jaan 1.1. Cabbiraad dhaqameedka dhererka, jooga shaqsiga Jaantuska sare wuxuu muujinayaa cabbiraada dherer ee hab dhaqameedka iyadoo la adeegsanayo xubno kala duwan oo ka mid ah xubnaha jidhka. Layli 1.1 1. Sheeg qaar kale oo xubnaha jidhka ah oo laga adeegsado degmada ama magaalada aad ku nooshahay? 2. Cabbiraadaha dhaqameedku ma tahay mid lagu kal soonaan karo? Sheeg sababta? 4 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah Jaan 1.2. Cabbiraad dhaqameedka aminta. Jaantuska sare wuxuu muujinayaaa cabbiraad dhaqameedayada aminta iyada oo la adeegsanayo hadhka, qorraxda iyo dayaxa. Haddaba miyay cabbiradahaasi yihiin kuwo si sax ah oo sugan u tilmaamaya aminta? Sheeg sababta? Sidoo kale waxaa deegaanka soomaalida meelo ka mid ah laga adeegsadaa cabbiraadahaasi dhaqameed ee loo adeegsado cabbiraadaha dhererka iyo aminta. Sidaasi si lamid ah a mugga iyo cufkana waa loo adeegsadaa iyada oo la adeegsan jiray agab dhaqameedyo kala duwan. Cutubka 1aad 5 Hawlgal 1.3 1. Tax agab dhaqameedka lagu cabbiro cufka ee laga adeegsao deegaankaaga? 2. Tax agab dhaqameedyada lagu cabbiro mugga ee laga adeegsado magaalada aad ku nooshahay? 3. Miyaa maanta laga adeegsadaa agab dhaqameedyada deegaanka soomaalida? Sheeg sababta? Deegaanka waxa laga adeegsadaa agab dhaqameedyo kala duwan, cabbiraada jidhka dadka si fudud looguma qiyaasi karo sidii dhererka oo kale.baaxadda qamadiga ama gallaydu waxay leedahay qiyaas go’an.sidoo kale culayska waxa lagu tibaaxi karaa darajo sax ah oo ku tibaaxan tirooyinka fikradaha culayska cabbiraadaas waxaa ilaa maanta adeegsada dahablayaasha. Waa maxay xaddi fisikeed? Saynis ahaan Waa maxay waa laba xaddi cabbiraada oo kala duwan casriga ahi? Cufku waa Cufka iyo qadarka culaysku ma maatarku ka isku mid baa? kooban yahay Jaan 1.3 cabbiraad dhaqameedka culayska Cabbiraada xaddiyada fisikeed iyo habka cabbiraada casriga ah Hawlgal 1.4 1. Walxaha ku xeeran fasalkaaga u kala saar kuwo la cabbiri karo iyo kuwa aan la cabbiri karin? 2. Sheeeg qaar ka mid ah qalabka loo adeegsado cabbiraada casriga ah? Fasalka dhexdiisa waxaad ku arkaysaa: sabuurad, daaqad, miis, albaab, midabo kala duwan iyo hawo. Haddaba, walxahaasi waxaan u kala saari karnaa kuwo la cabbiri karo iyo kuwa aan la cabbiri karin. Midabka iyo hawada lama cabbiri karo. Haseyeeshee, inta kale waa la cabbiri karaa. 6 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah Sidaa daraadeed, xaddi fisikeed waxaan u qeexi karnaa inuu yahay wax kasta oo la cabbri karo. Waxa aan la cabbiri karininna ma aha xaddi fisikeed.  Xaddi fisikeed waa xadiga la cabbirikaro.  Tusaale ahaan, dhererka, cufka, aminta, mugga.. iwm.  Xaddiga fisikeed had iyo jeer waa walxaha dabiiciga ah ee ma noolaha ah.  Xaddi fisikeed wuxuu leeyahay laxaad. Haddaba waa maxay laxaad? Laxaad waa halbeeg iyo tiro wada socda.Tusaale ahaan, haddii dhererka arday yahay 104 sm, markaa 104 waa tiro tirsiimo sm-na waa halbeeg waana halbeegga cabbiraada marka labadaasi wada socdaana waxa la yidhaahdaa laxaadka uu leeyahay xaddiga. Xaddi saleedyada asaasiga iyo xaddiyada dhiraandhirineed. Waxaan cashirkii hore ku soo baranay cabbir dhaqameed, islamarkaana waxaan ogaanay inay yihiin kuwo aan lagu kalsoonaan karin oo aan ahayn kuwo cabbiraad sugan. 1977 kii ayay saynisyahannada aduunku waxay soo saareen hab caalami ah oo dunida oo dhan isku raacsan tahay, habkaasna waxa la yidhaahdaa habka mitirka ama mks wuxuuna ku salaysan yahay mitir, kiiloogiraan, seken. Waxa kale oo jira hab kale oo la yidhaahdo cgs ama sgs oo ku salaysan santimitir, giraam iyo seken. Mks: K= kilogaraam M = mitir S = seken Waxaan hore u soo baranay in saynisyahannada aduunka maanta ay adeegsadaan halbeega caalamiga ah ee ku salysan habka “mks”. Halbeegaas caalamiga ahna waxa soo saaray oo isku raacay saynisyahanada aduunka oo dhan islamarkaan si isku mid ah loogu adeegsado xaddiyada iyo halbeegooda loona adeegsado laamaha sayniska dhammaantood. Habkan caalamiga ah waxa jira todoba xaddi oo sal u ah cabbiraada sayniska waxaana la yidhaahdaa xaddi saleedyo iyaga iyo halbeegayadoodaba. Mid kastana wuxuu leeyahay Cutubka 1aad 7 halbeeg u gaar ah oo sal u ah; laxaadka xadiyadana waxa lagu tibaaxaa qiimo tireed,tiro tirsiimo iyo halbeeg. Tusaale ahaan: fogaanta u dhaxaysa magaalada jigjiga iyo dhagax buur waa 177km, halkan tirada 177 waa tirsiimo, km-na waa halbeega,marka labadooda israaciyno waxay noqonayaan laxaad. Shaxadan hoos waxay innoo muujinaysaa todobada xaddi saleed iyo halbeegyadooda. Shaxa 1.1 Magaca xadiga Summada xadiga Magaca halbeega Summada halbeega Dherer l Mitir M Cuf m Kiilogiraam Kg Amin t Seken S Heerkul T Kelfin K Qulqulka danabka I Ambiyar A Xaddiga walaxda M Mool Mol Itaalka ilayska 𝐼𝑜 Kandhala Cd Toddobadaasi xaddi iyo halbeegyadooduba waxa la yidhaahdaa xaddi saleedyo halabeegyadooduna waa halbeeg saleedyo. Haddaba waa maxay xaddi saleed? Hore waxaa u soo baranay in wax kasta oo la cabbiri karo uu yahay xaddi. Sidaa daraadeed, xaddi saleed waa xaddiyada lagu heli karo cabbiraad kaliya. Guud ahaan xaddiyada fisikeed waxay u qaybsamaan laba kuwaa soo kala ah: xaddi saleedyo aasaasiga iyo xaddiyo la soo dhiraandhiriyay. Waa maxay xaddiyada la soo dhiraandhiriyey? Ma sheegi kartaa qaar ka mid ah xaddiyada la soo dhiraandhiriyey? Xaddiyada dhiraan dhirineed waa xaddiyada laga soo dheegtay xaddi saleedyada aasaasiga. Tusaale ahaan: bedka fasalkaaga oo ah: dherer ×dherer= 𝑙 × 𝑙 = 𝑙2 , 𝑚 × 𝑚 = 𝑚2 , Waxana laga soo dhirandhiriyay xaddi saleedka dherer. 8 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah Tusaale 2 Arday ayaa socodka xawaarihiisu yahay 2 𝑚⁄𝑠, taas oo macnaheedu yahay 2𝑚 ayuu soconayaa halkii sekenba.sidaas daraadeed, xaddiga xawaare waa xaddi lasoo dhiraandhiriyey, sababtuna waxay tahay: 𝑓𝑜𝑔𝑎𝑎𝑛 𝑆 Xawaare = = = 𝑚⁄𝑠, waxa innoo cad in xaddiga xawaare laga soo 𝑎𝑚𝑖𝑛 𝑡 dhiraandhiriyay labada xaddi ee kala ah fogaanta iyo aminta,waana fogaanta oo loo qaybiyay aminta ,summad ahaana :s/t = m/s Sidaa daraadeed, xaddi dhiraandhirineed waxaan u qeexi karnaa:. Xaddi dhiraandhirineed waa iskudhufashada ama isuqaybinta laba xaddi saleed iyo in ka badan. Tusaale 3: Halbeega xoogga 𝑥𝑜𝑜𝑔 = 𝑐𝑢𝑓 × 𝑘𝑎𝑟𝑎𝑎𝑟 = 𝑚𝑎 Halbeega caalami ee xooggu 𝑘𝑔 𝑚⁄𝑠 2 =1𝑁(𝑛𝑖𝑦𝑢𝑢𝑡𝑜𝑛) 𝑐𝑢𝑓 𝑚 𝐶𝑢𝑓𝑛𝑎𝑎𝑛𝑡𝑎 = = = 𝜌 = 𝑘𝑔⁄𝑚3 𝑚𝑢𝑔 𝑉 Cabbiraada sayniseed ee dherer, cuf, mug iyo heer kul Waa maxay dhererka?. Dherer waxa lagu qeexaa fogaanta u dhexeysa laba barood 1m = 100sm 1dm = 10sm 1sm = 10mm 1km = 1000m 1m = 0.001km 1sm = 0.01m 1dm = 0.1m Jaan muujinaya fogaanta u dhexaysa laba barood. Qalabka lagu cabbiro dhererka waxaa ka mid ah: mastarad, usha mitirka iwm Cutubka 1aad 9 Tusaale.4 Fasal ayaa fogaanta hal dhinac tahay 4m iyo 8sm.waa maxay fogaanta fasalka oo santimitir ah? Ogaal 1𝑚 = 100𝑠𝑚 4𝑚 = 𝑥 1𝑚(𝑥) = 4𝑚𝑥100𝑠𝑚 𝑥 = 400𝑠𝑚 Sidaad daraadeed dhererka fasalku waa 400𝑠𝑚 + 8sm = 408sm... Tusaale 5. Fogaanta u dhexeysa adis ababa iyo jigjiga waa 575km immisa ayay ku noqonaysaa fogaanta labada magaalo oo mitir ah. Ogaal 1𝑘𝑚 = 1000𝑚 575𝑘𝑚 = x 1𝑘𝑚(𝑥) = 575𝑘𝑚𝑥1000𝑚 =575000m. Cabbirka Amminta Amimn waa xaddiga cabbirsaleed barbilawga iyo dhacdada laba amminood, halbeega caalami ee ammintu waa seken. Qalabka lagu cabbiro ammintu waa saacad (goor sheeg) 1 saac = 60 daqiiqo 1 daqiiqo = 60 seken 1 maalin=24 saac 1 todobaad = 7 maalmood 30 maalmood= 1 bil 12 bilood = sanad Jaan1.4. Cabbiraada amminta 1 sano = 365 maalmood. Cabbiraada cufka Cuf waa qadarka maatarka ah ee walaxi ka kooban tahay, cufku isma beddelo meel kasta iyo xaalad kasta oo sayniseed. Halbeega caalami ee cufku waa kiiloogiraam. Cufku waa astaan maatar, cufku isma beddelo wuuna ka madax banana yahay shuruudaha sayniska sida cadaadiska, heer kulka iwm. Jaantuska hoose wuxuu muujinayaa cabbiraada cufka. 10 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah Jaan 1.5 cabbiraada cufka 1𝑘𝑔 = 1000𝑔𝑚 1𝑔𝑚 = 100𝑚𝑔 Tusaale 6: Buugga sayniska fasalka 8aad ayaa cufkiisu yahay 2kg. Immisa garaam ayuu noqonayaa cufka buuggu? Ogaal 1𝑘𝑔 = 1000𝑔𝑚 2𝑘𝑔 = 𝑥 1𝑘𝑔(𝑥) = 2𝑘𝑔𝑥1000𝑔𝑚 𝑥 = 2000𝑔𝑚 Cabbiraada sayniseed ee heerkulka. Waxaan cashiradii hore ku soo baranay cabbiraad dhaqameed taas oo dadku ay u adeegsan jireen xubnaha jidhka qaarkood taasina aanay ahayn mid lagu kalsoonaan karo. Heerkulkuna wuxuu ka mid yahay xaddiyada dadku ay ku tilmaamaan xaalada ay ku sugan yihiin oo ay yidhaahdaan maanta waa kulayl ama waa qabaw iyagoon sheegi karin cabbir go’an oo tilmaamaysa heerka kulka saacadaasi. Haddaba saynisku wuxuu heerkulka ku cabbiraa qalab la yidhaahdo heerkul beeg kaa oo cabbir kara heerka ugu sareeya ilaa barta ugu hoosaysa ee heer kulku gaadho. Heer kulku waa xadi saleed halbeega caalamiga ee keerkulku waa kelfin. Qiyaasta cabbiraada kulka ee qalabka kelfin waa qalabka kaliya ee cabbiri kara heerka qabawga ee ka hooseeya barta 0 (eber) Jaan 1.6 qalabka lagu cabbiro heerkulka Cutubka 1aad 11 Cabbiraada sayniseed ee muugga. Muggu waa inta ay walaxi meel buuxiso, walax kastana waxay leedahay qadar ay buuxin kartaa, ma jiraan laba walxood oo muggoodu isku mid yahay isla mar keliya. Summada muggu waa V halbeegiisuna waa mitir saddex jibbaran m3,litir, …iwm. i. Mugga walax qaabsan. Mugga walaxda qaabsan waxa lagu helaa taranta ama iskudhufashada dhererka (l), ballaca (w) iyo joogga (h) walaxda. 𝑚𝑢𝑔𝑔𝑎(𝑣) = 𝑑ℎ𝑒𝑟𝑒𝑟 × 𝑏𝑎𝑙𝑎𝑐 × 𝑗𝑜𝑜𝑔 𝑣 =𝑙×𝑤×ℎ Jaan 1.7 muugga walaxda qaabsan Tusaale 7: bir qaab laban (jaajuur) leh yaa dhererkeedu yahay 20sm, ballaceeduna yahay 5sm, joogeeduna yahay 15 sm.soo saar muga labanka (jaajuur)? 𝑣 = 20𝑠𝑚 ×5sm×15sm 𝑣 =1500𝑠𝑚3 ii. Mugga hoorka ama dareeraha Hoorku malaha qaab sugan, haseyeeshee wuxuu leeyahay mug go`an, wuxuuna leeyahay qaabka weelka uu ku jiro. Mugga hoorka waxa lagu cabbiraa weel cabbiran sida dhululubo cabbiran. 1𝑙 =1000𝑚𝑙 1ml= 1sm3 1sm3 =1000ml. jaan 1.8 Mugga hoorka 12 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah Mugga walaxda qaab laawe Mugga walaxda qaablaawe ee adkaha waxa lagu heli karaa habka bara bixinta, islamarkaana waa in uuna adkuhu ku milmaynin biyaha. Si aan u soo saarno muga adkaha qaablaawe; talaabada koowaad ku shub in biyo ah dhululubada cabbiran, una qaado (v1), tallaabada xigta waxaan dhululubada ku ridaynaa walaxda qaablaawe. Islamarkaana, waan wada muquurinaynaa walaxda sida jaantus –muujinayo, heerka biyuhu gaadhaan muquurinta kadibna waxaan u qaadanaynaa (v2). Sidaa daraadeed, mugga adkaha qaablaawe waa: 𝑣 = v2 – v1 Tusaale 8 Xaliimo ayaa dukaanka ka soo iibisay 0.6sm3 oo saliid ah immisa litir ayay noqonaysaa saliida xaliimo soo iibsatay? 1l = 1000sm3 x = 0.6sm3 ⇒ 1l × 0.6sm3 = x × ( 1000sm3 ) 1𝑙𝑥0.6𝑠𝑚3 𝑥= = 0.0006l 1000𝑠𝑚3 Hawlgal 1.5 Mugga qaab laawe Agabka: Loox yar oo aan qaab lahayn Xadhig dun ah Dhululubo cabbiran ama weel cabbiran. Tallaabooyinka la raacayo: 1. Dhululubada/weelka cabbiran biyo ku shub sida jaantuska hoose muujinayo; 2. Looxa yar ku xidh xadhiga, kadibna muquuri weelka biyuhu ku jiraaan? 3. Maxaad aragtay? Cutubka 1aad 13 Jaan.1.9. Mugga qaab laawe Looxu wuu sabeeyay, sababtuna waxay tahay looxu wuu ka cufnaan yar yahay biyaha.sidaa daraadeed, looxu wuu sabeeyay (sabeeye). B. Jaantus dhagax yar ayaa lagu riday dhululubo cabbiran oo biyo ku jiraan i. Diiwaan gali mugga biyaha + dhagaxa (v1) sida dhululubada cabbirani muujinayso v1 = ? ii. Jaantus wuxuu muujinayaa halka aad ishaada ku beeegayso si aad u akhrido qiyaasta cabbiraada saxda ah. T. Jaantus looxu wuu muquurtay wuxuuna fadhiistay halkii dhagaxa. 1. Diiwaan gali heerka biyaha (v2) v2 =…… 2. Soo saar mugga looxa adigoo adeegsanaya: 𝑣 = 𝑣2 − 𝑣1 , 𝑣 = ? 3. Ka soo qaad in tijaabadani si sax ah oo hufan loo sameeyay,haddaba: 4. Sheeg laba sababood oo qiimaha l aanu saxda u ahayn 5. Sabab 1 6. Sabab 2 Jaantuska wuxuu muujinayaa hab labaad oo tijaabada loo sameeyay.looxa waxa lagu xidhay dhagax iyadoo la adeegsanayo dhererka xadhiga, looxii kor buu u soo sabeeyay, laakiin badhkii ayaa muquursan 14 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah Jaan 1.10 1. Diiwaangali heerka cusub ee biyaha (𝑣3 ) 2. V3 = ? 3. V3 waxay ka weyn tahay 𝑣2 , sababtuna waxay tahay xadhiga ayaa barabixiyay biyo. 4. Soo saar mugga xadhiga 5. Vx = ? Gabagabo: Mugga 𝑉1 = 58𝑠𝑚3 Heerka ishu waa inay ku began tahay heerka biyaha T. 92 waa mugga cusub ee biyaha 92−58=34sm3 Labada sababood waxay noqon karaan: Waxa laga yaabaa inay hawadu xanibtey dhagaxa ama looxa waxa kale oo laga yaabaa inay biyo daateen markii laga saaray dhagaxa waxaa kale oo laga yaabaa in dhululubda cabbirkeedu aanu sax ahayn ama dhacdo kale oo macquul ah Sidaa daraadeed, I. 95𝑠𝑚3 −92𝑠𝑚3 II. Cabbiraada mugga dhagaxa + xadhiga inta aan looxa lagu xidhin ka hor. Cabbiraada cufnaanta Cufnaantu waa astaan maatar oo la xidhiidha cufka, waxayna innoo kala saartaa mugga ama mug qaadka walaxda. Tusaale ahaan 1kg oo caleenta shaaha ah iyo 1kg oo milix ahi muggoodu ma isku midbaa? Xaaladan oo kale waxa inoo kala saaraya cufnaanta xaddi fisikeedka cufnaanta waxaan u qeexi karnaa: cufka walaxda ee mug halbeegii kastaba ee walaxda ama waa saamiga cufka iyo mugga walaxda. Cutubka 1aad 15 Haddii mugaa walaxdu yahay “v” oo halbeegeeduna yahay “m” saddex jibaaran, “m”, tahay cufka walaxda halbeegiisuna yahay “kg”, markaa cufnaanta walaxduna waa “”(roo) waa xaraf giriig ah. 𝑐𝑢𝑓 Markaa,  = , halbeega caalami ee cufnaantu waa kg loo qeybiyey mitir saddex 𝑚𝑢𝑔 jibbaaran (m3). 𝑘𝑔  = 𝒎/𝒗 = 3 𝑚 𝒎 =  × 𝒗 𝒗 = 𝒎/ Tusaale 9: Cufnaanta meerkuri ayaa ah13.6 𝑔⁄𝑠𝑚3 B) soo saar cufka meerkuri mugiisu yahay 12.2𝑠𝑚3 T) 472g oo meerkuri ahi mug intee le’eg ayuu buuxin karaa Siin  = 13.6g/sm3 V=12.2sm3 Waydiin M=? Furfuris 𝑚 B)  = 𝑣 M=xv = 13.6g/sm3 x 12.2sm3 =165.9g T. Waydiin 𝑉 = ? 𝑚 𝑔 𝑉= = 472𝑔⁄13.6 = 34.7 𝑠𝑚3  𝑠𝑚3. Cufnaan waa cabbiraada isdhexgalka (qarada/xajmiga) maatarka, waxayna tilmaanta intee inle’eg oo maatar ah ayaa buuxin kara muga weelka la ina siiyay. 16 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah Walxuhu waxay leeyihiin cufnaan kala duwan, shaxdan hoose waxay muujinaysaa cufnaanta walxaha qaarkood. Shax 1.2 Dareere  = g/m3 Adke  = Kg/m3 Hawo 1.3 Baraf 0.92×103 Biyo 1.00×103 Almuuniyam 2.70×103 Biyaha badda 1.03×103 Xadiid 7.87×103 Dahab 19.3×103 Meerkuri 13.6×103 Naxaas 8.96×103 Cufnaanta hoorka ama dareeraha waxa lagu cabbiri karaa qalabka la yidhaahdo haydaroomitir. Jaan 1.12.qalabka lagu cabbiro cufnaanta hoorka Layli 1.2 1. Qeex cufnaan? 2. Waa maxay halbeega caalami ee cufnaan? 3. Sheeg qalabka lagu cabbiro cufnaanta hoorka? 4. Taaj ka samaysan dahab ayaa cufkiisu yahay 1.64kg.muggiisuna yahay 85x10-6x10 m3.waa immisa cufnaanta taajku? 5. 1kg oo dahab aha iyo 1kg xadiid ah keebaa mug qaad badan? Sheeg sababta? 6. Waa maxay mugga biyo cufkoodu yahay 100g? 7. Haddi cufnaanta loox tahay 0.5g/sm3.waa immisa cufka looxu haddii mugga looxu yahay 1sm3? Cutubka 1aad 17 Horgalayaal Waa maxay horgalayaal? Si loo fududeeyo qoraalka tirada faraha badan ama aadka u yar ayaa waxa loogu talogalay cabbiraado caan ah oo jibaarka tobanle ah loona qaatay summado ugaar ah.summadahan waxa loo qoraa halbeegyada horgalayaasha. Horgalayaashu waxay tilmaamaan jibaarka tobanle ee togne ama tabane, waxana loo adeegsadaa iskubadalka halbeegyada. Shax 1.3 Horgale Summada Jibaar tobanle Tiro Tera T 1012 1,000,000,000,000 Giga G 109 1,000,000,000 Mega M 106 1,000,000 Kiiloo K 103 1,000 Hiktar h 102 100 Dika da 101 10 Disa d 10-1 0.1 Senti C 10-2 0.01 Milli m 10-3 0.001 Mikro µ 10-6 0.000001 Naano n 10-9 0.000000001. Biiko b 10-12 0.000000000001 Layli 1.3 Ka jawaab su’aalahan soo socda: 1. Tax fikradaha aasaasiga u ah cabbiraada sayniseed? 2. Waa maxay xaddi fisikeed? 3. Maxay kala yihiin xaddi saleed iyo xaddi dhiraandhirineed? 4. Ukala saar xaddiyadan soo socda xaddi saleed iyo xaddi dhiraandhirineed bed, fogaan,mug,karaar,xoog,cuf,amin,xawaare,cufnaan iyo tamar? 5. Ukala saar halbeegyadan soosocda halbeeg saleed iyo halbeeg dhiraandhirineed: kiiloogiraam, mitir, mitir saddex jibaaran, mitir labajibaaran, mitir/seken. Niyuutan, juul, seken? 18 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah 6. Sheeg halbeeg kale oo u dhigma halbeegyadan ku taxan shaxdan soo socota: Xadiga Halbeegga Halbeega kale ee udhigma Fogaan Mitir Cuf Kiiloogiraam Amin Seken Heerkul Kaalfin Mug Mitir saddex jibaaran Cufnaan Kiiloogiram/mitir saddex jibaaran Tamar Juul 7. Sheeg magaca horgalaha qiimayaashan soo socda: i. 103 ii. 10-2 iii. 106 iv. 10-6 v. 10-3 1.2. Samaynta baadhid sayniseed. Hawlgal 1.2 Dood kooxeed 1. Waa maxay baadhis sayniseed? 2. Maxaa tusaale u noqon kara baadhid sayniseed? 3. Ma sheegi kartaa tallaabooyinka baadhida sayniseed? 4. Waa maxay sababta aan u samaynayno baadhid sayniseed? Cashiradii fasalka 7aad ee cutubka 1aad waxaad ku soo baratay in saynisku dhamaad lahayn, maalin kastana ay ku soo biirayaan fikrado cusub iyo argtiyo badan oo la daaahfurayo (ku soo kordhaya sayniska). Haddaba hilinka ama tallaabooyinka loo marayo daahfurka ee lagu xalinayo dhibaatooyinka ayaa la yidhaahdaa baadhid sayniseed, tallaabooyinkaasna saynisyahannadu waxay u raacayaan siday u kala horeeyaan. Tallabooyinka baadhida sayniseed loo marayo waxaka mid ah: waydiimo, saadaalin, xog ururinta iyo falanqaynta xogta, hubi in ay cadayntu taageerayso saadaasha, samee gunaanad islamarkaana iswaafaji natiijada xogta. Cutubka 1aad 19 Hababka baadhida sayniseed Barashada hababka baadhida sayniseed waa iskudayga sidii loogu guulaysan lahaa hawlgalada. Badanaa laamaha sayniska dhexdiisa waxa la adeegsadaa nidaam lagu garto astaamaha looga baahan yahay sayniska dhexdiisa iyadoo loo marayo ukuurgalid iyo tijaabo, go’aaminta waxyaabaha la taaban karo iyo kuwa aan la taaban karin, islamarkaana waxa la hubiyaa in ay saadaasha iyo natiijada tijaabadu ay istaageerayaan. Dariiqada sayniseed ee la raacayo. 1. Waxa loo baahan yahay inaad diyaariso baadhid sayniseed. 2. Marka hore go’aanso, su’aasha aad doonayso inaad ka jawaabto iyo ujeeddada baadhitaankaaga. 3. Diyaari odoroska baadhitaankaaga 4. Dib u xasuuso qaybta 1aad ee baadhista oo habee dariiqada baadhistaada. 5. Baadhitaanka kadib waa inaad qortaa warbixinta tijaabada ka soo baxday. 6. Warbixintaada in laga helo qodobadan soo socda: a) Ujeedo b) Odoras ama Saadaalin c) Agab iyo saabaan d) Dariiqo e) Natiijo f) Falanqayn g) Gabagabo 7. Natiijadaada waa inaad u diiwaangaliso hab sayniseed.waxaad adeegsan kartaa; miis, shaxanno ama labadaba.si fiican ugu fiirso xogta loo baahan yahay in la diiwaangaliyo ee dhamaadka tijaabada. 8. Falanqayntaada waa inay sharraxayso natiijooyinka iyo ujeedooyinka tijaabada. Sidoo kale waa inaad qiimayso baadhitaankaaga iyo sharraxaadaada; wax aan sidiisii u dhicin,kuna talo bixi hab kale oo lagu xaqiijin karo mustaqbalka oo ay adeegsadaan baadhayaasha kale.waxaa loo baahan yahay inaad ku celiso hawlgalka(tijaabada) 9. Warbixintaada ku soo bandhig warqada warbixinta tijaabada. 20 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah Jaan.1.1. Dariiqo sayniseed Anshaxa iyo edebta Hawlgal 2.3 1. Waa maxay anshaxa iyo edebta hababka baadhida sayniseed? 2. Sheeg qaar ka mid ah anshaxa iyo edebta baadhis sayniseedka? Waxaan ogsoonahay in hawlgal kasta oo ka mid ah hawlgalada nolol maalmeedka uu u baahan yahay nidaam anshax fiican iyo edebba. Sayniskuna sidaasoo kale wuxuu leeyahay anshax iyo edeb la raacayo marka lagu gudajiro hawlgalada baadhida sayniseed; kuwaasna waxaka mid ah:  Waydiimo anshax leh  Tixgalin  Dhegaysi  Kala dambayn  Isqancin  Ogolaanshaha argtida cusub  Ka baaraandagid Baadhitaanno Sidaan horeba u soo sheegnay saynisku wuxuu ku salaysan yahay baadhitaan iyo daahfur; hadaba waxa loo baahan yahay in ardaydu si koox ahaan ah ay u sameeyaan baadhitaan tusaaleyaasha hawlgaladan soo socda: Tusaale 10: B) Duubka musbaarku ma u shaqeeyaa sida birlabta? T) Ma lagama maarmaan bay u tahay hawadu gubashada? J) Sidee bay dhirtu cuntadeeda ugu keydsataa caleenta? Cutubka 1aad 21 Haddaba innagoo ka duulayna tallaabooyinka sayniseed sida ay u kala horeeyaan waxaan baadhid ku samaynaynaa tusaalaha 1aad: Duubka musbaarku ma u shaqeeyaa sida birlabta? Sidaan horeba u soo sheegnay baadhida sayniseed waxay ka bilaaban taa waydiin: Haddaba si aan u xaqiijino inta aynaan tijaabada bilaabin; waxaan ognahay in birlabtu soo jiidato walxaha birlabooba, haddaba in musbaarku u shaqeeyo sida birlabta oo kale waxaan ku caddaynaynaa inaan u marno tallaabooyinka baadhida sayniseed. Tusaalaha tijaabada koowaad. Agabka Baytari Xadhig gudbiye danab iyo Biinan yar yar Budo xadiid ah. Tallaabooyinka la raacayo: 1. Xadhiga gudbiyaha ah labadiisa cidhif diir 2. Musbaarka badhtankiisa ku duub xadhiga gudbiyaha 3. Kadib laba cidhif ee xadhiga gudbiyaha ku kala xidh baytariga labadiisa qotin ee togane iyo tabane, sawirna ku muuji 4. Kadib duubka musbaarka u soo dhawee biinanka 22 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah 5. Maxaad aragta? 6. Kadib cidhifyada baytariga mid kood ka fur xadhiga gudbiyaha ah 7. Marlabaad biinanka u soo dhawee duubka musbaarka? 8. Maxaad aragtay? 9. Waa immisa tirada duubka musbaarku? 10. Waa immisa tirada biinka ay soo jiidatay? 11. Sideebaad u xoojin kartaa xoogga birlabtaada? Sharrax jawaabtaada? 12. Qor gabagabada tijaabadan? 13. Ma jirtaa dariiqo kale oo lagu tijaabin karaa?  Tirada duubka musbaarku waa 12  Musbaarku wuxuu soo jiitay 5 biin i. Kordhi danabka markaa waxa kordhaya baddada danabka taasina waxay kordhinaysaa xoogga baddada birlabta. ii. Kordhi tirada duubka;markaa waxa kordhaya xoogga badada danabka Tijaabada sare waxaynu ku gabagabaynaynaa oo aan aragnay markaan samaynay tijaabada:  In marka danabku xidhiidhsan yahay musbaarku soo jiitay biinanka  Markii baytariga xadhiga gudbiyaha laga furayna aanu soo jiidanaynin biinanka.  Haddaba inagoo ka jawaabayna hawraarteenii ahayd: duubka musbaarku Cutubka 1aad 23 ma u shaqeeyaa sida birlabta? Duubka musbaarku wuxuu u shaqaynayaa sida birlabta marka danabku jiro oo kaliya, taasina ma ah mid waarta sida birlabta ee waa mid ku meel gaadh ah.tijaabadan oo faahfaahsan waxaad ku barandoontaa cutubka 7aad. Tijaabo :2 Ma lagama maarmaan bay u tahay hawadu gubashada? Odoroskan waxaan kaga jawaabayna inaan tijaabo samayno: Saabaanka: - Laba shamac - Kibriid - Koob quraarad ah - Saacad joojiso ah Tallaabooyinka la raacayo: 1. Labada shamac dhig mid walba meel siman sida miis dushiisa Jaan. 1.22 hawadu waxay ka qayb-qaadataa gubashada 2. Kibriidka ku shid labada shamac 24 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah Jaan. 1.23 3. Maxaad aragtay? 4. Hal daqiiqo kadib mid ka mid ah koobka ku dabool shamaca dhamaantiis hawadana ka wada qari? Jaan. 1.24 5. Maxaad aragtay? 6. Muddo intee le’eg ayuu ku damay shamaca la daboolay? 7. Maxaad ku talo bixinaysaa oo tijaabadani ku haboon tahay?  Markii labada shamac la wada shiday si isku mid ah ayay u shidmeen  Kadib markii la daboolay mid ka mid ah: waxaan argnay in shamacii aan la daboolin uu wali sii shidmayo.shamacii la daboolayna markiiba damay. Sidaa daraadeed waxay tijaabadu inoo cadaynaysaa in hawadu ay ka qaybqaadato gubashada. Cutubka 1aad 25 Baadhista 3aad Sidee bay dhirtu cuntadeeda ugu keydsataa caleenta? Odoroskan waxaan kaga jawaabaynaa tijaabadan soo socota: Baadhis Fiiri geedahan kala duwan.maxaad ku aragtaa? Jaan. 1.25 Muuqalka geedaha Midabkoodu wuu kala duwan yahay (iskujir).waana caddan iyo cagaar.waxaan rabnaa inaan ogaano qaybta caleenta ah ee ay ka dhacayso footasayntisisku iyo xubnaha ay dhirtu ku kaydsato cuntada. Ujeeddo: maxaad u samynaysaa baadhitaankan? Odoros: maxaad filaysaa markaad dhamayso baadhista? Agabka iyo saabaanka  Gacan-gashi  Dheri geed ku beeran yahay si fududna looga saari karo.  Bakeeri biyo kujiraan  Tuweeser  Itanayl alkol (cadar) isbiirto  Saxan yar  Saacad joojiso leh  Quraarad dhibciso leh  Milan ayodhiin ah 26 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah Dariiqada 1. Ku shaqeeya koox ka kooban 3-4 2. Geedaha badhkood meel madow ugu yaraan 24-48 saac,inta kalana dhig meel ka mid ah fasalka oo ay si fiican uga helayaan ilayska qorraxda 3. 24 saac kadib ku shub 50 ml oo alkool ah oo dhex dhig dheriga biyuhu ku jiraan, kor saar shoolada si ay u kululaato, biyaha kujira dherigu si tartiib –tartiib ah ayay kulka ugu gudbinayaan alkoolka. 4. Ka saar mid ka mid ah caleemaha ku jira dheriga oo dhig meel ay si toos ah uga helayso qorraxda. 5. Adiga oo adeegsanaya tuwiisar (tweezer), muquuri caleenta biyo karaya muddo 1-2 daqiiqo ah.tani waxay kaa caawinaysaa inaad qaado dubka kore ee caleenta xuubka sare ee dul saran waxaa jajabaya gidaarada unugga.. 6. Kadib caleenta ku rid koobka ay alkoladu ku jirto. 7. Ku daa caleenta ilaa iyo inta uu ka baaba’ayo midabka cagaarani. 8. Caleenta dhex dhig biyo diiran inta ay ka jilcayso. 9. Ka saar caleenta biyaha diiran oo dul saar saxanka cad. 10. Adiga oo adeegsanaya dhibciyaha waxaad ka soo qaadaa milanka 2-3 dhibcood oo milanka ayodhiin ah,oo ku dhibci caleenta saxanka saran.qor waxaad aragtay? 11. Ku celi adiga oo ku tijaabinaya laba ama in ka badan. 12. Ka qaad dhirtii aad meesha mugdiga ah dhigtay ee taalay mudada 24 saac.hubi tijaabada sare in caleenta ay ku jirto cuntada kaarboon haydaraytka ee (starch) taas oo ah caleentii aad ku kaydisay meesha madow. 13. Diiwaangali waxa aad aragtay. Natiijada iyo u kuurgalida aragtiyada. Ilaali diiwaangalinta xogta aragtida.sawir shax aad ku diiwaangaliso xogta kadibna barbardhig natiijada. Gabagabo Maxaad ka baratay baadhistii aad samaysay? Cutubka 1aad 27 Su’aalo Waa maxay sababta geedaha qaarna loo dhigay meel leh ilayska qorraxda qaarna loo dhigay meel madow? Waxaan ku gabagabaynayaa: caleentu ma aha qaybaha kaliya ee dhirta u kaydsato cuntada.cuntada waxa kaydiya laamaha, xididada iyo jirida. Baadhis dhaqameedka sayniseed  Hawlgalka hiddo dhaqameedka: Adeegso hababka iyo walxaha laga helo deegaanka oo samee baadhid dhaqameed sayniseed, adiga oo adeegsanaya agabyada laga isticmaalo degmadaada ee xanuunada ku dhaca xoolaha? Cashirkii hore waxaan ku soo baranay baadhida sayniseed oo aan ku soo qeexnay inay tahay habka dhibaatooyinka loo xaliyo iyadoo la raacayo tallaabooyinka sayniseed siday u kala horeeyaan. Baadhista dhaqameed waa aqoonta ay adeegsadaan dad ku nool deegaan gaara, waana heerka aqoonta ee deegaankaasi ee ku saabsan cuntada, caafimaadka dadka iyo ka xoolaha iwm. Sidaa daraadeed baadhis dhaqameedka saynisku waa hab nololeedka lagala kulmo nolol maalmeedka isla markaana lagu xalinayo dhibaatooyinka soo foodsaara. Waana mid ku kooban dadka xirfada u leh. Baadhis dhaqameedku malaha hab la isku raacsan yahay oo lagu xaqiijinayo saadaasha, sidaas daraadeed laguma kal soonaan karo, sidoo kale ma laha xog ururin tijaabada dhexdeed,baadhis dhaqameedku waa odoros iyo in tijaabada la sameeyo islamarkaana gabagabadu noqoto mid run ka dhigaysa odoroska ama beeninaysa. Saynis dhaqameedku waa halka sayniska maanta ee farsamada casriga ah ka soo bilaabantay ama waxaan odhan karnaa waa furaha sayniska maanta. Haddaba deegaanka soomaalida waxa laga isticmaali jiray qaybo ka mid ah laamaha sayniska casriga ah kuna xallin jireen dhibaatooyinka soo food saara waxaana ka mid ah: 28 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah Cilmiga xidigiska (cilmi fallaga): Jaantuska 1.26. Muuqaalka xidigaha. Cilmiga xidigiska (fallaga): waa cilmi mudo dheer soo jiray; waana qayb ka mid ah sayniska oo si toos ah u sharaxda barashada koonka. Sidoo kale soomaalidu mudo dheer isticmaali jirtay waxayna u adeegsan jireen inay ku gartaan xilli roobeedka iyo xilliga ku aadan xoolaha lagu siidaayo sumalka iyo mudada ilmuhu ku jiri karo uurka (caloosha). Waxay kale oo ay u adeegsan jireen inay wax ka bartaan koonka ay ku nool yihiin. Haseyeeshee, malaha wax qoraal iyo tixraac ah, kaliya wuxuu ku koobnaa dadka yaqaana, waxaana la odhan jiray shaqsiga aqoonta u leh xidgisyahan. Waa maxay sababta dadka soomaalidu u aminsan yihiin daawo dhaqameedka? Sababtu waxay tahay waa cilmi soo jireen ah oo ay ka soo dhaxleen awawyaashood. Sidoo kale waxay yaqaaneen sida madagta looga dhaliyo dabka, iyaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah dhirta deegaanka sida jaantuska hoose muujinayo, marka la isku xoqo laba qori cawsna la raaciyo waxa ka dhasha dab. Taasina waxay fure u tahay laanta sayniska ee barashada danabka ee maanta lagu adeegsado guryaha ama nolol maalmeedka si casri ah. Jaan.1.27. Dhalinta dabka Cutubka 1aad 29 Cabbiraada saxda ah (hufan) iyo cabbiraada surmo-seegtada ah. Waxaan ogsoonahay in saynisku ku salaysan yahay cabbiraad, shaybaadhka dhexdiisa iyo tijaabooyinkana ay lagama maarmaan tahay. Cabbiraada saxda ah iyo cabbiraada surma- seegtada ahi waa laba isir oo lagama maarmaan ah lana tixgaliyo marka la cabbirayo xogta tijaabada. Labaduba waxay sheegaan qiimaha cabbiraada ee ugu dhaw (xaddiga la cabbiray). Sidaas darteed, cabbiraada hufan waa qiimaha saxda ah ee la doonayo, halka cabbiraada surma- seegtadu mid lagu ceceliyay oo isku dhadhaw ay tahay. Xataa haddii ay aad uga fog tahay qiimaha la doonayo. Tusaale: haddii ciyaar yahanku had iyo jeer markuu kubbada laado uu goolka kadhaliyo; meelo kala duwan, markaa ciyaar yahan kaasi wuxuu leeyahay cabbir hufan. Haddiise uu marwalba goolka agtiisa marinayo, wuxuu leeyahay surma-seegto. Sidoo kale midka hal meel ka dhaliya wuxuuuu leeyahay sax iyo surma seegtaba. Tusaale 11: si aad u garato qiimaha saxda ee cabbiraada waa inaad iaticmaasha fikrada aragtida celceliska. Waa immisa Ogow:shiishka ishu dhererka dhinaca waxa uu keenaa surma-seegto 6.5sm-2.5sm = 4sm Waxaana la qaataa fikrada celceliska Ugu yaraan waa inaad cabbirto 5jeer dhinac kasta. Jaan1.28 Cabbiraada saddexda dhinac 30 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah Waxaad doonaysaa inaad cabbirto cufka muunada budo xadiid ah.markaad cabbirtayna waxaad heshay cabbiraadahan: 47.5, 47.6, 47.5 iyo 47.7 giraam. Cabbiraadahan oo kalae waxa la yidhaa surma-seegto, laakiin ma aha mid sax ah ama hufan. Celceliska cabbiraadaasuna waa 47.6 gr, taasina waxay sheegaysaa inuu ka hooseeyo qiimaha saxda ah. Sidaa oo kale haddii aad hesho cabbiraadahan: 49.5, 50.5, 51.0 iyo 49.6, waa mid aad uga hufan middii hore. Laakiin ma aha surma-seegto, celceliska cabbiraadaasina waa 50.2, laakiin waxa u dhexeeya faraq wayn. Gabagabo.  Cabbiraada sayniseed waa xog ururinta taas oo qeexaysa astaamaha duleed ee walaxda  Cabbiraadda dhaqameed waa mid la adeegsan karo xubnaha jidhka dadka islamarkaana aan lagu kal soonaan karin.  Xaddi waa wax kasta oo la cabbiri karo.  Xaddi saleed waa xaddiga lagu heli karo cabbiraad kaliya.  Xaddi dhiraandhirineed waa xaddiyada lagu helo isuqaybinta ama iskudhufashada laba xaddisaleed iyo wax ka badan.  Baadhid sayniseed waa hab lagu xalliyo dhibaatooyinka iyadoo la raacayo nidaam iyo tallaabooyin siday u kala horeeyaan.  Baadhid dhaqameed waxay ku salaysan tahay saadaal aan sugnayn  Cabbiraada saxda ah waa cabbiraada hal mar oo sax,laguna go’aan qaadan karo  Cabbiraada surmaseegtada ah waaa ugu dhawaanshaha cabbiraada la doonayo. Cutubka 1aad 31 Layli 1.4 1. Sheeg tallaabooyinka baadhis sayniseed? 2. Tax tallaabooyinka baadhista sayniseed? 3. Sheeg hababka baadhista sayniseed? 4. Qeex baadhis dhaqameed? 5. Tax tallaabooyinka baadhis dhaqameedka? 6. Baadhis dhaqameedku waa furaha baadhista sayniseed.sheeg sababta? 7. Waa maxay cabbiraad sax ah? 8. Waa maxay cabbiraad surmo-seegto? 9. Waa maxay faraqa u dhexeeya cabbiraad sax ah iyo cabbiraad surmo-seegto? 10. Ka soo qaad inaad degan tahay webiga ganaane ee xaafadda hilo wayn: haddaba adigoo adeegsanaya agabyada laga helo degmadaasi samee baadhis dhaqameed lagaga tallaabi karo webiga? 11. Isbarbardhig baadhista sayniseed iyo baadhista dhaqameed? 12. Soo saar cufnaanta dhuxul cufkeedu yahay 25g. Mugeeduna yahay 50sm3. 13. Maxaa sababay kala duwanaanshaha cufnaanta biyaha badda iyo biyaha macaan? 14. Sheeg faraqa u dhexeeya baadhista sayniseed iyo baadhista dhaqameed? 32 Baadhis sayniseedka aasaasiga ah 33 Cutubka 2aad 2. Samaysinka Maatarka Ujeeddooyinka cutubka Dhammaadka cutubkan ardaydu waxay awoodi doonaan inay:-  Sheegaan taariikhdii horumarineed ee qaabdhismeedka dabiicinimada atamka ee walxaha  U bogaan in dhammaan walxuhu ka samaysan yihiin atamo  Muujiyaan fahanka aragtida aqooneed ee walax waxa lagu gartaa ay tahay qaabdhismeedka atamyada  Kala saaraan moolikiyuulada curiyayaasha iyo moolikiyuulada iskudhisyada  Ka shaqeeyaan xirfadaha waydiimaha sayniseed ee cutubka dhexdiisa 34 Samaysinka Maatarka Hordhac Taariikh nololeedkii aqoonyahanka naylis henrik dhaafid boher Naylis henrik dhaafid boher, wuxuu ku dhashay kobenheg, dheenmarki, taariikhdu markay ahayd oktober 7, 1885. Boher wuxuu u socdaalay jaamacada kobenheg, halkaas oo uu ka qaatay master digriigiisii taariikhdu markay ahayd 1909kii, islamarkaana dhokter digriigiisii wuxuu qaatay 1911. 1913 wuxuu ugudbay in uu darso qaab dhismeedka atamada, isaga oo ku salaynaya daahfurkii raaderfoordh ee bu’da atamka, 1920kii ilaa dhimashadiisii 1962 wuxuu madax ka ahaa machadka aragtida fiisigiska (institute of theoretical physics) oo uu isagu ka aasaasay jaamacada. Xiliyadii uu ku guda jiray qaabdhismeedka atamka, wuxuu ku guulaystay in uu soo saaro islamarkaana uu muujiyo sawirka qaabdhismeedka atamka. Shaqadiisii ilaa hadda waxaa loo adeegsadaa in lagu kala saaro dabeecadaha duleed iyo kuwa kiimikaad ee curiyeyaasha. 2.1 Aragtidii hore ee samaysinka maatarka Marka uu dhamaado cashirkan, ardaydu waxay awoodi doonaan inay:  Sheegaan wax ku saabsan aragtida atamka.  Isbarbardhigaan isu’ekaanta iyo kala duwanaanta aragtida maatarka ee joogtada ah iyo mid aan lagu kalsoonayn.  Isbarbardhigaan aragtidii hore ee qaabdhismeedka maatarka iyo aragtidooda. Cutubka 2aad 35 (322 – 384 BC) (370 – 460 BC) Jaantuska 2.1: doodihii saynisyahanadii boqortooyadii hore ee la xidhiidhay maatarka dabiiciga ah Hawlgal 2.1 Koox ahaan uga dooda, kadibna la wadaaga fasalkiina 1. Waxaad sheegtaan taariikh kooban oo ku saabsan aragtida maatarka. Yaa soo saaray dabiicinimada maatarka? Haddii walaxda loosii qaybiyo qaybo sii yar yar maxaa dhacaya? 2. Fikrada aas aasiga ah ee seeska/ dabaqa hoose dhismaha yaa soo jeediyay? 3. Soo qaata gobol warqad ah kadibna sii goo gooya ilaa halka ay ku istaagto kadibna usoo jeediya fasalka idinka oo kala qaadanaya labada aragti ee maatarka. Maxay ku kala duwan yihiin aragtida maatarka ee aan qaybsamin iyo mida aan salkeeda la gaadhayn? Dood dheer oo ku saabsan in maatarka qaybintiisu tahay mid aan bar dhammaad laheyn iyo in la gaadhayo hal saxar oo qudha kaas oo aan la sii qaybin karin ayaa soo dhex martay labada nin ee dhimogritas iyo aristootal oo ka mid ahaa aqoonyahanadii hore ee giriiga. 36 Samaysinka Maatarka Shaxda 2.1. Isbarbar-dhigida aragtida aan sii qaybsami karin iyo tan aan salkeeda la gaadhi karin ee maatarka. Aragtida maatarka ee aan Aragtida maatarka ee aan salkeeda la qaybsamayn gaadhayn Dimooqratis Aristotal 1. Maatarku waa ma Maatarku waa mid aan salkiisa la gaadhi qaybsame (discrete) karin (continous) 2. Waxaa jira xad maatarka Maatarku si aan dhammaad lahayn ayuu lagu kala jabin karo usii qaybsamaa 3. Wuxuu aaminsanaa Wuxuu diiday (kasoo horjeedsaday) fikrada jiritaanka atamka la xidhiidha atamka Waa maxay maatarku? Maxaad umalaynaysaa in maatarku ka samaysan yahay? Filosofiyiintii hore ee giriigu (greece) waxay ku tilmaameen maatarka mid aan lahayn meel uu ku dhammaado, isla-markaana aan la kala saari karin. Qaar ka mid ah filosoofiyiintaasi waxay ku doodeen in maatarku yahay mid aan joogsi lahayn. Maatarku wuxuu u sii qaybsami karaa si aan dhammaad lahayn oo qurubyo yaryar ah. Qaar kalena waxay aaminsanaayeen in maatarka aan la sii qayb qaybin karin. Tusaale ahaan waxy dheheen sidan: maatarku si aan dhammaad lahayn uma sii qaybsami karo. Dimoqoraatis (460-370 Nabi ciise hortii (BC), wuxuu soo jeediyey fikir ah in walxuhu ka samaysan yihiin qurubyo aad u yar yar oo aan la sii qayb-qaybin karin. Haddii gabal birta koberta (maarta) ah la jarjaro ama la qayb qaybiyo, waxaad gaadhi marka dambe, qaybo aad u yar yar oo aan la sii kala qaybin karin in aad hesho. Qurubyadaa yar yar ee aan la sii qayb qaybin karin ayuu ugu yeedhay atamo. Ereyga atam wuxuu asal ahaan ka yimid erey giriig ah “atomos” kaas oo macnihiisu yahay waxaan sii qaybsami karin. Sidaas awgeed, buu dimoqoratis maatarka ugu tilmaamay waxaan sii qayb qaysamin (discrete). Muddo ka dib filosafarkii aristootal oo noolaa (384-322 Nabi ciise hortii (B.C), wuxuu soo jeediyey fikir odhanaya maatarku wuu qaybsami karaa, qaybsanka maatarkuna waa mid aan joogsi lahayn oo u sii qaybsama si xisaab la’aan ah. Cutubka 2aad 37 Waxay labadaas saynisyahan ee aan kor ku soo sheegnay ahaayeen kuwa heer sare kaga jiray ifafaalo bixintii ugu horeysay ee maatarku ka sameysan yahay ilaa laga gaadhay heerkan ay saynisyahanada casriga u gorfeeyeen maatarka iyo sameysinkiisa guudba. Haddii aad u fiirsato maatarkana waxa aad arkaysaa in walax kastaabaay culays leedahay, dulalaati madhanna aybuuxin karto. Labadaa astaamood ayuu maatarkaa.ka siman yahay.sidaa awgeed waxa maatarka loo qeexaa: wax alaale wixii culays leh, dulalaati madhanna buuxiya. Wixii qeexiddaa kala duwan ma_aha maatar, waxaana kamid ·ah jabaqda, kulka, ilayska, iwm.kuwaasi oo haddii aad u fiirsato aad arkayso in ay tamaro kala duwan yihiin. Layli 2.1 1. Waa maxay atam? 2. Maxay ku kala duwan yihiin aragtida maatarka ee dimokratis iyo mida aristotal? 3. Muxuu ku sharaxay dimoqratis maatarka? 2.2 Guddaha atamka Dhammaadka cashirkan, ardaydu waxay awoodi doonaan inay:-  Sharaxaan qaabdhismeedka atamka islamarkaana sheegaan in bu’da ay kujiraan borotoono iyo niyutiroono, elektiroonkuna ku wareegayo meeriska (heer tamareedka).  Sheegaan isu’eegida saldanab iyo qiyaas ahaan isu’eega cufka borotoon, niyutiroon iyo elektiroon.  Sawiraan atamka haydarojiin iyaga oo muujinaya halka ay kaga jiraan bu’da borotoonka iyo elektiroonku.  Kala saaraan farqiga udhexeeya tiradda cufka iyo tiro atamka.  Sheegaan tiradda borotoonka, niyutiroonka iyo elektiroonka ee kujira atamka dhexdiisa. 38 Samaysinka Maatarka Hawlgal 2.2 Ka dooda, kadibna, la wadaaga fasalka intiisa kale 1. Atamada almuuniyamta mala qaybin karaa? Haddii la qaybin karo, waa maxay magacyada qurubada yar yar ee atamada almuuniyaamtu ka kooban yihiin? 2. Kaarboon, wuxuu leeyahay tiro atam dhan 6, majiri karaa curiye kale oo yeelan kara tiro atam 6 ah? 3. Haddii tiradda atamka ee sinki ay tahay 30, u habee elektiroonada heer tamareed kooda. Qaybaha atamka Aragtida aas aasiga ah ee atamka ee dhalton, waxaan ku qeexi karnaa in atamku yahay qurubka ugu yar ee curiyaha, kaas oo ka qayb qaadan kara isu-taga kiimikaad. Dhalton wuxuu umaleeyay in atamku uu yahay mid aad u yar, islamarkaana aan qaybsamin. Baadhitaanadii isdaba jooga ahaa ee soo bilaabmay sandkii 1850 ilaa qarnigii labaatanaad, waxaa si cad loogu soo bandhigay in atamyadu leeyihiin qaabdhismeed gudeed taas oo ah inay ka samaysan yihiin saxarro aad u yar yar oo loogu yeedho qurubyada atam hoosaadka. Qaab dhismeedka atamku, wuxuu sharxaa sida ay u habaysan yihiin si ay u sameeyaan atamka. Atamku wuxuu ka kooban yahay laba gobol mida koowaad waa bu’da atamka, midaas oo ku taala badhtanka atamka iyo midka labaad oo ah heer tamarta elektaroonka. Bu’da atamku waxay ka kooban tahay saxaro ku danabaysan togane, looguna yeedho borotoon iyo saxaro dhex dhexaad ah oo loogu yeedho niyutaroono, elektaroonku waa qurub taban wuxuuna ku meeraystaa/wareegaa bu’da, isjiidadka ka dhexeeya borotoonada (kuwaas oo ku danabaysan togane) iyo elektaroonada (kuwaas oo ku danabaysan tabane) ayaa isku haya atamka. Elekteroon kasta wuxuu fogaan go’an ujiraa bu’da, laakiin bu’du waxay ku fadhidaa qayb aad u yar marka la barbar dhigo mugga uu elekteroonku fadhiisto. Sida badan atamadu waxay ka kooban yihiin dhammaan saddexda nooc ee atam hoosaadyada: borotoono, niyuutaroono iyo elektaroono. Cutubka 2aad 39 Elekteroonadu lagama helo meelkasta oo ku wareegsan bu’da ee waxay maraan meerisyo u gaar ah. Meerisku waa jidka ay maraan elektaroonadu marka ay ku wareegayaan bu’da atamka. Markasta oo uu elekteroonku galo meeris ka fog bu’da waxaa kordha tamartiisa. Elekteroon kasta oo laga helo meeriska sare wuxuu leeyahay tamar aad u badan marka la barbar dhigo elektaroonka laga helo meeriska hoose. Sidaas daraadeed, meeriska waxaa kale oo loogu yeedhaa heer tamareed leh heemaalo atamo ah. Heer tamarta atamka waxaa lagu asteeyaa xarfaha waaweyn kuwaas oo ah K, L, M, N, iwm. Waxaa kale oo lagu asteeyaa xarafka shaqalka yar “n” kaas oo leh qiimayaasha 1, 2, 3… heer tamareedyada waxaa tiro siinta laga soo bilaabaa bu’da. Heer tamarta koowaad waa heemaalka K, heer tamarta labaadna waa L, heer tamarta saddexaadna waa m. Sidaad fasalkii hore ku soo aragtay ratibaada elektaroonku waa isku habaynta elektaroonka ee heer tamarta atamka. Heer tamarta kasta waxaa gala tiro xaddidan oo elektaroono ah Shaxda 2.2:- Qoraalka heemaalka atamka iyo elektaroonka uu qaadi karo heemaal kasta Heemaalka tamarta Heemaalka Elektaroonada ugu badan N = 1 (heemaalka koobaad) K 2 N = 2 (heemaalka labaad) L 8 N = 3 (heemaalka saddexaad) M 18 N = 4 (heemaalka afraad) N 32 Jaantuska 2.2 : Heemaalada atamka 40 Samaysinka Maatarka Tusaale: Ratibaada elektaroonada ee curiyaha salfar waxaa loo qori karaa 32 16𝑆 → K, L, M 2, 8, 6 Jaantuska 2.3:- dhigaal sawireedka atamka Qurub hoosaadka atamka Hawlgal 2.3 Koox ahaan, uga dooda, kadibna la wadaaga fasalka intiisa kale 1. Waxaad sawirtaan atamada haydarojiin, idinka oo kudaraya halka laga helo borotoonada iyo elektiroonada, iyada oo loo eegayo bu’da atamk. 2. Waxaad sheegtaan muhiimada isticmaalka muunadda (moodheelada), si loo barto atamada. Waxaad samaysaan muunad haydarojiinta, idinka oo isticmaalaya alaabaha laga helo deegaanka. Danab isudhiganka iyo cuf isudhiganka qurub hoosaadka atamka Waxaa jira laba nooc oo danabka korontada oo kale ah oo uu atamku leeyahay. Danab togan iyo danab taban. Borotoonadu waxay leeyihiin danab togan (+), elektaroonaduna waxay leeyihiin danab taban (−). Niyuutaroonada danabkoodu waa dhex-dhexaad, danabyada waxaa loo qoraa sidan danab togan (+) danab taban (−), danab laawe (O). Borotoonku wuxuu leeyahay cuf dhan 1.673x10-24g, nityuutaroonduna waxay leeyihiin cuf dhan 1.675x10-24g. Marka loo eego cufka, borotoonada iyo niyuutiroonadu waxay leeyihiin cuf aad isugu dhow, islamarkaana aad ayay uga weyn yihiin cufka elektaroonka qiyaas ahaan waxaa loo qori karo Cutubka 2aad 41 9.109 x 10-28g, waxaan odhan karaa cufka elektaroonku wuxuu la mid yahay eber ama waa cuf la’aan markaa cufka elektaroonada waa la iska dayn karaa. Cufka atamku waa wax aad u yar waxaana lagu cabbiraa halbeegyada cufka ee caadiga ah waa sida garaam (g), miligaraam (mg), waxaana isticmaalaa cuf u dhigan si aan sharaxaad uga bixino cufka. Cuf isu dhiganka: atamku waa mid aad u yar cuf ahaana laguma cabbiri karo halbeegyada cufka ee caadiga ah sida garaam, milligaraam, ama mikrogaraam. Qurubyada atamka waxaa lagu qiyaasaa (cabbiraa) halbeega cufka atamka ee loo yaqaano ama loo qoro (amu). Cufka borotoonadu ma le’eka cufka niyuutaroonada marka la fiiriyo qiyaas ahaanta cuf isu dhiganka waa kuwa leh xidhiidh cuf oo dhan 1 amu. Si kastaba ha ahaatee cuf udhiganka elektaroonka waxaa lagu qiyaasaa eber. Shaxda 2.3:- waxay sharaxaysaa astaamaha iyo meesha laga helo qurub hoosaadyada atamka Qurubka Goobta laga helo Cufka caadiga ah Cuf isudhiganka Danabka Borotoon Bu’da 1.673 x 10-24 1 +1 Elekctaroon Heemaalka 9.109 x 10-28 0 -1 Niyuutaroon Bu’da 1.675 x 10-24 1 0 Tiro atamka iyo tirada cufka Hawlgal 2.4 Koox ahaan uga dooda, islamarkaana lawadaaga fasalka intiisa kale Sida aad kusoo aragteen fasalkii 7aad, cutubkiisa saddexaad, idinka oo isticmaalaya kalgalka curiyaasha, waxaad sheegtaan tiro atamka iyo tiradda cufka ee siddeeda curiye ee ugu horeeya idinka oo raacinaya magacyadooda iyo summada 1. Atamadooda Tiro atamku waa tirada borotoonada curiyaha ee ku jirta bu’da atam kasta waxaana lagu sumadeeyaa calaamada “Z”. Tiradda cufka ee atamku waa tiradda iskudarka guud ee niyuutaroonada iyo borotoonada kujira bu’da atamka curiyaha waxaana lagu summadeeyaa calaamada “A”. 42 Samaysinka Maatarka Marka laga reebo samaysanka caanka ah ee haydarojiinta taas oo leh hal borotoon iyo eber niyuutaroon, dhammaan bu’da atamku waxay ka kooban tahay borotoon iyo niyuutaroon labadaba. Tirada cufka (A) = tirada borotoonka + tirada niyuutaroonka = tiro atamka + tirada niyuutaroonka Tiradda cufka iyo tiro atamka waxaa loo qori karaa sidan soo socota Tirada Cufka Summada Curiyaha Tirada Atomka Tusaale ahaan naytarojiin, botaasiyam iyo almuniyam, waxaa loo sharaxaa sidan hoos 14 N , 39 K , 27 Al 7 19 13 Shaxda 2.4: tiradda atamka iyo summadooda ee 20 curiye ee ugu horeeya Magaca Summadda Tiro atam Magaca curiyaha Summadda Tiro atam curiyaha Haydarojiin H 1 Soodhiyaam Na 11 Hiiliyaam He 2 Magniishiyaam Mg 12 Liitiyaam Li 3 Almuuniyaam Al 13 Beriliyaam Be 4 Silicon Si 14 Booroon B 5 Foosforas P 15 Kaarboon C 6 Salfar S 16 Naytarojiin N 7 Kilooriin Cl 17 Ogsijiin O 8 Argan Ar 18 Folooriin F 9 Bootaashiyaam K 19 Niyoon Ne 10 Kaalshiyaam Ca 20 Cutubka 2aad 43 Helitaanka tirada elektiroonada, borotoonada iyo niyutiroonada Hawlgal 2.5 Koox ahaan uga shaqeeya, kadibna la wadaaga fasalka intiisa kale 1. Waxaad soo saartaan tirada qurubyada, idinka oo isticmaalaya tusaha kalgalka b. Kaarboon t. Magniisiyaam j. Kaalshiyaam x. Bootaashiyaam 2. Idinka oo isticmaalaya shax waxaad habaysaan tiro atamka, tiradda cufka, tiradda borotoonada, niyutiroonada iyo elektiroonada tobanka curiye ee ugu horeeya. Dhammaan atamada waxaa lagu ogaan karaa tirada borotoonada iyo niyuutaroonada ay leeyihiin. Tiradda borotoonadu waxay le’eg tahay tiro atamka curiye leeyahay. Tiradda borotoonada ee atamada dhex dhexaadka ah wuxuu le’eg yahay tirada elektaroonadda. Sidaas darteed, tirada atamku waxay ina tusaysaa tirada elektaroonada kujirta atamka. Tiradda atamku (z) = tiradda borotoonada = tiradda elektiroonada Tusaale ahaan dahabka wuxuu leeyahay tiro atam dhan 79, taas oo ka dhigan in atamka dahabku leeyahay 79 borotoon, islamarkaana haddii uu yahay dhex dhexaad wuxuu sidaa oo kale yeelanayaa 79 elektaroon. Tiradda niyutiroonada kujirta atamku waxay lamid tahay farqiga udhexeeya tiradda cufka iyo tiro atamka. Tiradda niyuwtaroonada (N) = tiradda cufka – tiro atamka Tusaale ahaan haddii tirada cufka ee atamka boron uu yahay 12, islamarkaana tiro atamkiisu yahay, intaa dabadeed tirada niyutiroonadu waa 12 − 5 = 7. Layli 2.2 1. Sharax macnaha kuwan soo socda b. Bu’da t. Elektaroon j. Danab 2. Maxay ku kala duwan yihiin tiradda cufka iyo tiro atamku? 39 3. Waa imisa tirada borotoonada, elektaroonada iyo niyuutaroonada ee kujira 19 K. 44 Samaysinka Maatarka 4. Atam ayaa waxaa lagu siiyaya tirada cufkiisa 14 iyo tirada elektaroonka oo dhan 6. Imisa borotoon iyo niyuutaroon ayuu yeelan karaa atamku? 40 2 5. Xisaabi tirada borotoonada, elektaroonada iyo niyuutaroonada kujirta 20 Ca. 6. Dhammaystir shaxanka hoose Dhigaalka Tiro Tirada Borotoonada Elektaroonada Niyuutaroonada curiyaha atamka cufka 23 11 Na 20 10 Ne 35 17 Cl 24 12 Mg 31 15 P 207 82 Pd 52 24 Cr 2.3 Moolikuyuulada Marka uu dhammaado cashir hoosaadkani ardaydu waxay awoodi doonaan inay:-  Qeexaan moolikuyuulada  Tusaalayaal ka bixiyaan moolikuyuulada hal atamlaha, laba atamlaha iyo atam badan laha.  Adeegsadaan jaantus ama muunado muujinaya saxarada si loo muujiyo moolikiyuulada curiyayaasha iyo iskudhisyada. Hawlgal 2.6 1. Moolikiyuulada iyu iskudhisyadu maxay ku kala duwan yihiin? 2. Waxaad tusaale ka bixisaan moolikuyuulada curiyeyaasha? 3. Waxaad sharaxdaan moolikuyuulada curiyeyaasha iyo moolikuyuulada iskudhisyada? Cutubka 2aad 45 Falgal kiimikaad waxaan odhan karaa waa falgalka walxaha isku darsamaya ee isla falgala si ay isugu rogaan walxo ama walax cusub oo ka duwan kuwii ay ka timid ama ay ka yimaadeen. Moolikuyuulku waa qurubka ugu yar ee curiye ama iskudhis uu ka kooban yahay islamarkaana si xor ah u jiri kara. Moolikuyuulku wuxuu samaysmaa marka laba atam ama in ka badan oo atamo isku mid ah ama kala duwani ay isula falgalaan hab kiimikaad. Moolikuyuuladu waxay ka koobnaan karaan hal atam, laba atam ama in kabadan oo atamo iskumid ah. Moolikuyuulada curiyayaasha Moolikuyuulada curiyeyaasha waxaa loo kala qaybiyaa saddex nooc oo kala ah. Moolikuyuul hal atamle ah, mid laba atamle ah iyo mid atam badanayaal ah. Curiyaha haydarojiin qurubkiisa ugu yar ee ka qayb qaata falgal kiimikaad waa atamka haydarojiinta. Si kastaba ha ahaatee atamka haydarojiin uma jiro si xor ah, wuxuuna ku darsamaa atam kale oo haydarojiin ah si uu usameeyo haydarojiin moolikuyuul ah. Atam haydarojiin + atam haydarojiin → haydrojiin moolikiyuul H + H → H2 Sidaas awgeed qurubka ugu yar ee curiyaha haydarojiin ee si xor ah u jiri kara waa haydarojiin moolikuyuul. Haydarojinta waxaa la odhan karaa waa moolikuyuul laba atamle ah. Curiyayaasha qaarkood isuma tagi karaan/iskuma darsami karaan waxayna u jiraan moolikuyuul hal atamlayaal ahaan waxaana ka mid ah kuwaas Ne, Ar, Kr, Xe, iyo Rn. Waxaa kale oo jira kuwo leh saddex ama in ka badan oo atamo ah, waxaana lagu magacaabaa atam badanayaal (polyatomic ions). Curiyeyaashan atam badan la yaasha ahna inta badan lama helo oo si dhif iyo nadir ah baa lagu helaa, waxaana tusaale u noqon kara P4 (fosfaras) molokuyuul iyo S8 (salfar) moolikiyuul iyo O3 (ogsajiin). Laakiin xusuunoow in ay o3 ay tahay midda lagu magacaabo magac ahaan osoonka. Jaantuska 2.4: Muuqaalka haydarojiin ee kujira weel dahaaran 46 Samaysinka Maatarka Moolokuyuulada iskudhisyada Atamada curiyeyaasha kala duwan waxay sameeyaan iskudhisyo. Tusaale ahaan labada atam ee haydarojiin waxay la falagalaan hal atam oo ogsajiin ah, waxayna soo saaraan molokiyuul biyo ah. Haydrojin ogsajiin biyo 2H2 + O → 2H2O Sidaa si la mid ah N2 iyo H2 waxay sameeyan iskudhis molokiyuul ah oo loogu yeedho ammoniya (ammonia) N2 + 3H2 → 2NH3 Jaantuska 2.5: Muuqaalka moolikuyuulada xidhan (dahaaran) ee neefaha wahsada Layli 2.3 1. Moolikuyuulada curiyeyaasha ee soo socda u kala saar hal atamle, laba atamle iyo atambadanle. b. Ne j. S8 kh. Br2 t. F2 x. Ar d. P4 Cutubka 2aad 47 Erayada salka ah Atam Cuf atam Tiro atam Bu’da atamka Elektaroon Borotoon Niyuutaroon Moolokuyuul 48 Samaysinka Maatarka Soo koobida cutubka  Aragtida atamka ee dhalton waxaan ku qeexi karnaa in atamku yahay qurubka ugu yar ee curiyaha kaas oo ka qayb qaadan kara isu taga kiimikaad.  Borotoonadu waxay leeyihiin danab togan, elektaroonaduna waxay leeyihiin danab taban halka niyutaroonadu yihiin kuwo dhex dhexaad ah (aan alahayn danab).  Borotoonada iyo niyuutaroonadu waxay leeyihiin qiyas ahaan cuf isku mid ah, laakiin cufka elektaroonku ma aha mid la tirsan karo amaba waa la iska ilaawi karaa, maadaama uu aad u yar yahay.  Tiro atamka curiye waa tiradda borotoonada ku jirta bu’da atamka curiye.  Atamku danab ahaan waa mid dhex dhexaad ah marka tiradda elektaroonadu ay la eg yihiin tiradda borotoonada.  Tiradda cufku waa iskudarka wadarta tiradda borotoonada iyo niyuutaroonada ee bu’da atamka.  Moolokiyuulku waa qurubka ugu yar ee curiye ama iskudhis kaas oo u jiri kara si xor ah.  Moolikiyuulada curiyayaashu waxay ka kooban yihiin hal nooc oo atamo ah, waxayna u jiri karaan, hal atamle, labo atamle ama atam badanle. Cutubka 2aad 49 Layliga guud 1. Kuwan soo socda keebaa sax ku ah qaab dhismeedka atamka B. Elektiroonada waxay kamid yihiin bu’da T. Borotoonadu waxay ku wareegaan bu’da J. Niyuutaroonadu waa kuwo leh danab togan X. Niyuutaroonadu waxay leeyihiin cufka ugu sareeya 2. Si aan u helno tiradda niyuutaroonada ee atamka dhexdiisa, waxaan u baahanahaynaa inaan garano B. Tiradda atamka T. Tiradda elektiroonka J. Tiradda borotoonka X. Tirada cufka 3. Kuwan soo socda kee baa leh cufka ugu yar B. Borotoon T. Niyutaroon J. Elektaroon X. Bu’da 4. Tiradda cufka ee curiye waa B. Tiradda borotoonada T. Tiradda niyuutaroonada J. Wadarta tiradda borotoonada iyo niyuutaroonada X. Wadarta tiradda borotoonada iyo elektiroonada 5. Tiradda borotoonada ee kujira bu’da atamka waxaa loo yaqaanaa B. Tiradda cufka T. Tiradda atamka J. Cufka atamka X. Iskugodyada 6. Haddii sinki uu leeyahay tiro atam 30 ah iyo tiro cuf oo 65 ah. Waa imisa tiradda borotoonada, niyuutaroonada iyo elektiroonada sida ay u kala horeeyaan. B. 30, 35, 35 T. 35, 30, 35 50 Samaysinka Maatarka J. 30, 35, 30 X. 30, 65, 95 7. Qurubka atamka ee laga helo meel bu`da ka baxsan waa B. Niyutaroonka T. Borotoonka J. Eleketaroonka X. Dhammaan 8. Muxuu atamku u yahay mid danab ahaan dhex dhexaad ah B. Wuxuu ka kooban yahay tiro borotoono iyo niyutiroono oo isle’eg T. Wuxuu ka kooban yahay tiro borotoono iyo elektiroono oo isle’eg J. Tiradda niyutaroonadu ayaa ka badan tiradda elektiroonada X. Tiradda niyutaroonada ayaa ka badan tiradda borotoonada 9. Haddii tiradda cufka ee atam ay tahay 31 islamarkaana tiro atamkiisu yahay 15. Waa maxay tiradda elektiroonada atamkaas? B. 15 T. 16 J. 31 X. 20 10. Jumladahan soo socda keebaa sax ku ah atamka 𝟐𝟑 𝟏𝟏𝑵𝒂 B. Wuxuu leeyahay 11 borotoon, 11 elektiroon iyo 11 niyuutaroon T. Wuxuu leeyahay 11 borotoon, 12 elektiroon iyo 11 niyuutaroon J. Wuxuu leeyahay 11 borotoon, 11 elektiroon iyo 12 niyuutaroon X. Wuxuu leeyahay 11 borotoon, 12 elektiroon iyo 12 niyuutaroon Ka jawaab su’aalahan 1. Waa kuwee labada qaybood ee atamku? 2. Waa maxay qurubyada atam hoosaadka ee aas aasiga ah? 3. Waa maxay farqiga u dhexeeya tiro atamka iyo tirada cufka? 4. Sharax ka bixi farqiga u dhexeeya moolikiyuula curiyayaasha iyo moolikiyuulka iskudhisyada? 5. Sheeg farqiga u dheeeya moolokiyuul iyo atam? 51 Cutubka 3aad 3. Qaybqaybinta iskudhisyada Ujeedooyinka cutubka Dhammaadka cutubkan, ardaydu waxay awoodi doonaan inay:  Sharaxaan abla ableynta iskudhisyada orgaaniga ah iyo kuwa aan- orgaaniga ahayn  Qoraan magaca iyo naanaysta tobanka ugu horeeya alkeenta, alkiinta iyo alkaynta islamarkaana taxaan qaar ka mid ah waxyaabaha loo adeegsado iskudhisyada orgaaniga ah  U kala soocaan ogsaydhyada kooxo kala duwan midkastana tusaale kabixiyaan  Koriyaan/horamiyaan xirfadaha lagu garto asiidhka, bayska iyo milanada dabiiciga ah  Qeexaan oo adeegsadaan aragtida guud ee dhex dhexaadinta  Kataxadaraan marka lagu jiro hawlgalada asiidhyada iyo baysyada  Ka jawaaban xirfadaha waydiimaha sayniseed cutubkan dhexdiisa ah 52 Abla-ablaynta Iskudhisyada 3.1 Noocyada iskudhisyada Hordhac Cutub hoosadkani marka ladhamaystiro, waxay ardaydu awoodi doonaan inay:-  Qeexaan iskudhisyada orgaaniga ah, sida in iskudhisyada orgaaniga ah ka kooban yahay iskudhisyo, islamarkaana ka bixiyaan tusaalayaal.  Qeexaan iskudhisyada aan-orgaaniga ahayn, sida iskudhisyada iskudhisyada ayna ku jirin curiyaha kaarboonku. Hawlgal 3.1 1. Waxaad si koox ah u baadhaan islamarkaana u soo jeedisaan fasalka intiisa kale taariikhda halka ay ka yimaadeen erayada organic iyo aan orgaanig ahayn islamarkaana waxaad si khaas u sheegtaan xidhiidhka ka dhexeeya kiimikaalada orgaaniga ah iyo walxaha nool. 2. Iskudhisyada soo socda u kala saar kuwo orgaanig ah iyo kuwo aan orgaanig ahayn B. C12H22 O11 T. NaCl J. CaO X. C2H6O Dhaqan ahaan, dhammaan iskudhisyada kiimikaad, waxaa loo qaybiyaaa laba qaybood oo kala ah kuwa orgaaniga ah iyo kuwa aan-orgaaniga ahayn. Iskudhisyada orgaaniga ah, waxaa ka mid ah inta ugu badan iskudhiyada kaarboonka, gaar ahaan kuwa ka kooban dabarka haydarojiin-kaarboon. Iskudhisyada laga soo dhiraan dhiriyay macdanaha iyo iskudhiyada kale ee aan ahayn kaarboonka ayaa loo yaqaanaa iskudhisyada aan-orgaaniga ahayn. Waxyar oo ka mid ah iskudhisyada kaarboonka sida kaarbooneedyada, haydarojiin kaarbooneedyada, kaarboon hal ogsaydh iyo kaarboon laba ogsaydh, ayaa loo tiriyaa inay yihiin iskudhiyada aan-orgaaniga ahayn, maadaama laga soo dhiraan dhiriyay macdanaha, islamarkaana ayna lahayn dabarka haydarojiin-kaarboon. Cutubka 3aad 53 Qiyaas ahaan saddex meelood meel iskudhisyada warshaduhu soo saaraan, waa iskudhisyo orgaanig ah. Dhammaan unugyada nooli waxay ka samaysan yihiin iskudhisyo orgaanig ah, ha ubadnaato cuntada aan quudano, daawooyinka aynu qaadano, dunta dharka la xidho iyo caagaga kujira alaabadda aad isticmaasho. 3.2 Iskudhiyada orgaaniga ah Qaybtan marka ladhamaystiro kadib, waxay ardaydu awoodi doonaan inay:-  Qeexaan haydarokaarboonada oo ay sheegaan ugu yaraan mid ka mid ah ilaha haydarokaarboonada.  Qoraan naanaysta guud ee alkeenada, alkiinada iyo alkaynada.  Qoraan naanaysta kiimikaad ee gaarka u ah siddeeda xubnood ee ugu horeeya alkeenada, alkiinada iyo alkaynada.  Sharxaan taxa isku midka ah iyo astaamahooda guud.  Sheegaan magaca siddeeda xubnood ee ugu horreeya xubnaha alkeenada, alkiinada iyo alkaynada.  Fahmaan qaar ka mid ah waxyaabaha guud ee loo adeegsado iskudhisyada orgaaniga ah. Haydarokaarboonada iyo ilahooda Hawlgal 3.2 Sameeya kooxo kadibna ka dooda su’aalahan. Kadibna la wadaaga fasalka intiisa kale 1. Waa maxay haydarokaarboonadu? Maxaad u malaynaysaa sababta iskudhisyadaas loosiiyay magaca haydarokaarboonka? 2. Waxaad sheegtaan mid ka mid ah ilaha haydarokaarboonada kaas oo laga helo itoobiya. 3. Haydarokaarboonadu curiyeyaashee ayay ka kooban tahay? Haydarokaarboonadu waa iskudhisyo kuwaas oo ka kooban kaarboon iyo haydarojiin oo kaliya. Haydarokaarboonada waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo muhiim ah mida koobaad, waa alifatig kuwaas oo aan lahayn wareega beensiin waxaana ka mid ah alkeen, alkiin iyo alkayn. Midka labaadna waxaa ladhahaa aromatig kaas oo leh hal ama in kabadan oo wareegyo beensiin ah. Batroolka iyo dhuxushu waa ilaha haydarokaarboonada ugu badan ee loo isticmaalo guriga, warshadaha iyo shaybaadhada. 54 Abla-ablaynta Iskudhisyada Alkeynada Alkeenadu waxay leeyihiin naanaysta guud ee ah CnH2n+2, halka ‘n’ inoo sheegaysaa tirada kaarboonka n = 1, 2, 3…dabeecadaha aasaasiga ah ee moolikuyuulada haydarokaarboonada alkeentu, kaliya waa samaynta hal dabar wadaag. Maadaama kaarboonka moolikuyuuladan uu ku dabran yahay tirada haydarojiinta ugu badan, alkeenadan waxaa loo yaqaanaa haydarokaarboonada dharagsan ama cukan. Alkeenta ugu fudud (n = 1) waa miteen C1H2x1+2 = CH4, midaas oo uu kaarboonku lawadaago afar elektiroon oo lamaan afar haydarojiin oo kala duwan. Alkeenta xigta (n = 2) waa iteen C2H2x2+2 = C2H6, mida saddexaadna waa (n = 3) borobeen C3H3x2+2 = C3H8. Alkeenadani waxay kamid yihiin taxa hoomologaska. Xubanaha xiga ee alkeentu waxay kaga duwan yihiin kuwii hore iyaga oo leh dhismaha halbeeg madoorsoome ah kuwaas oo ah hal kaarboon iyo laba haydarojiin ee taxa hoomogalada dhexdooda. Kuwan hoose waa tax iskudhisyo oo leh astaamo iskumid ah. CH4 → C2H6 → C3H8 → C4H10 Kooxaha iskudhisyada ee xubnahooda isku xiga ay ku kala duwan yihiin kooxda -CH2- waxaa loo yaqaanaa taxa hoomogalada. Haydarojiinada kujirta iskudhisyada alkeentu markasta waa laban laabka tirada kaarboonka oo lagu daray labo. Layli 3.1 Ka jawaab su’aalahan 1. Qor naanaysta alkeenta ka kooban labo, afar, lix iyo siddeed atam oo kaarboon ah. 2. Waa maxay hoomogaladu? Sheeg hoomogalada sida ugu habboon imaanaya kahor iyo kaddib C3H10. Alkiin Alkiinadu waa haydarokaarboono, kuwaas oo leh naanaysta CnH2n ama ka samaysan dabar lammaan. Iskudhisyada orgaaniga ah ee leh dabaro farabadan, waxaa loo yaqaanaa iskudhisyada aan-cokanayn, islamarkaana way ka firfircoon yihiin alkeenada. Alkiinada waxaa kaloo loo yaqaanaa olofiinis. Naanaysta guud ee silsilada furan, kaas oo leh hal dabar lammaan waa CnH2n halka n = 2, 3,.. Alkiinta ugu fudud waa itiin (magaca caanka ah itayliin) n = 2 C2H2X2 = C2H4. Midaas oo loo qori karo H2C = CH2. Xusuusnow, tirada atamada haydarojiinta ee kujirta alkiintu markasta waa laban laabka tirada atamada kaarboonka. Cutubka 3aad 55 Layli 3.2 Ka jawaab su’aalahn soo socda 1. Waa maxay farqiga udhexeeya alkeenada iyo alkiinada? Qor naanaysta alkeenta iyo alkiinta leh lix atam oo kaarboon ah. 2. Qor naanaysaha alkiinta ka kooban saddex, shan, todoba iyo sagaal atamo oo kaarboon ah. Alkaynada Alkaynadu waa haydaro kaarboono ka kooban dabar saddexan. Naanaysta guud ee silsilada furan ee alkaynta leh hal dabar oo saddexan waa (CnH2n-2), halka n = 2, 3,..Alkaynta ugu fudud waxaa loo yaqaanaa itayn (asitiliin) n = 2 C2H2 taas oo leh qaabka H—C ≡ C — H. Waxaad ogaataa marka aan kujirno alkaynta tirada atamada haydarojiintu waa laban laabka tirada atamka kaarboonka oo labo laga jaray. Layli 3.3 Ka jawaab su’aalahan 1. Sheeg naanaysta lixda alkayn ee ugu horeeya. 2. Qor naanaysaha isu-dhigma ee alkeen, alkiin iyo alkaynada leh siddeed atam oo kaarboon ah. Maxay ku kala duwan yihiin naanaysaha haydaro kaarboonada? Magacaabida haydarokaarboonada Hawlgal 3.4 Kooxo samee, oo haka doodaan su’aalahan soo socda: 1. Sidee loo magacaabi karaa haydrokaarboonada? 2. Muxuu noqonayaa magaca haydarokaarboonka naanaystiisu tahay C7H16, C7H14, C7H12? Magacaabida alkeenada iyo dhammaan iskudhisyada orgaaniga ah ee kale waxaa laraacaa talada IUPAC. Magaca iskudhiska orgaaniga fudud wuxuu leeyahay laba qaybood: qaybta salka ah ee magacu waxay ina siinaysaa tirada kaarboonada kujira silsilada, qaybta 56 Abla-ablaynta Iskudhisyada dhammaadkuna waxay inoo sheegaysaa nooca iskudhiska ee uu yahay. Qaybta salka ah ee taxa isku mid ah saddexda ah waa iskumid. Iskudhisyada orgaaniga ah, waxaa loo heli karaa sida iskudhis aan farac lahayn ama iskudhisyo farac leh. Shaxda hoose wuxuu ina tusayaa magacyada aas aasiga ah ee loo isticmaalay iskudhisyada ka kooban 1 ilaa 8 kaarboon. Shaxada 3.1: magaca horgalayaasha 10 ka haydarokaarboonada ugu horeeya Tirada kaarboonka Magaca horgalaha 1 Mit- 2 It- 3 Borob- 4 But- 5 Bent- 6 Hek- 7 Hebt- 8 Ogt- 9 Non- 10 Dik- Iskudhisyada alkeenada, alkiinada iyo alkaynada, waxaynu umagac bixin karnaa inaga oo magaca horgalaha kaas oo ina tusaya tirada atamada kaarboonka ee kujira iskudhiska ku darayna gadaal raacayaal ku habboon kuwaas oo tilmaamaya nooca haydarokaarboonka, si aan u magacawno haydarokaarboonadan waxaan adeegsanaynaa shaxda 3.1. Magaca alkeen, alkiin, iyo alkayn waxay ku dhammaadaan dib galayaasha kala ah -een, iin, iyo -ayn sida ay ukala horeeyaan Alkeenada waxaa loo magacaabi karaa iyada oo magaca horgalaha lagu darayo gadaal -een. Tusaale naanaysta alkeenta ka kooban labo atam oo kaarboon ah, waa C2H6, magaca alkeentan wuxuu noqonaya horgalaha oo ah it- oo lagu daray dibgalaha -een, magaca iskudhiskan wuxuu noqon it + een = iteen. Si lamid ah, naanaysta alkeenta ka kooban afar atam oo kaarboon ah waa C4H10, horgalaha alkeentan waa but- maadama aan kujirno alkeen dib galuhu wuxuu noqonayaa -een, sidaas darteed magacu wuxuu noqon but + een = buteen. Alkiinada waxaa loo magacaabi karaa si lamid habka guud ee alkeenada, alkiinadu waxay ku dhammaadaan dib galaha -iin. Tusaale, naanaysta alkiinta ka kooban shan atam oo kaarboon ah waa C5H10, horgalaha alkiintan waa bent- waxaa lagu darayaa dib galaha -iin, magaca Cutubka 3aad 57 iskudhisku wuuu noqonayaa bent + iin =bentiin. C3H6 waxay ka kooban tahay saddex atam oo kaarboon ah, magaca alkiintan wuxuu noqonayaa borob + iin + borobiin. Alkaynadu si lamid ah alkeenada iyo alkiinada magac bixintoodu waxay ka timaadaa iyada oo horgalaha lagu darayo dib galaha -ayn. Tusaale, C2H2, waxaa lagu magacaabaa itayn. Horgalaha it- wuxuu ina tusayaa in iskudhisku ka kooban yahay labo atam oo kaarboon ah iyo gadaal dib galaha -ayn oo muujinaya iskudhisku in uu yahay alkayn. Sidoo kale naanaysta alkaynta ka kooban siddeed atam oo kaarboon ah waa C8H14, magaca alkayntan wuxuu noqonayaa ogt + ayn = ogtayn. Layli 3.4 1. Magacaw naanaysta moolikiyuulada haydarkaarboon ee soo socda b. C6H14 t. C4H8 j. C3H4 2. Qor naanaysha haydaro kaarboonadan B. Hekseen, heksiin iyo heksayn T. Noneen, noniin iyo nonayn 3. Dhamaystir tusaha soo socda kuna guuriya buugiina layliga Tirada Naanaysta Magaca Naanaysta Magaca Naanaysta Magaca kaarboonada alkeenta alkeenta alkiinta alkiinta alkaynta alkaynta 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 58 Abla-ablaynta Iskudhisyada Isticmaalka iskudhisyada orgaaniga ah ee ugu caansan Miteen Miteen waxaa laga helaa batroolka, wuxuu ka kooban yahay 90% neef dabiici ah. Waxaa badanaa laga helaa meelaha qoyan ama meelaha dhoobada qoyan, halkaas oo ay bakteeriyadu ku burburiso iskudhisyada orgaanikada ah, iyada oo aysan jirin wax ogsijiin ah.sababtan awgeed miteentu caadi ahaan waxaa loo yaqaanaa in ay tahay neef qoyan. Waa midka qayb ahaan ah bayoogaas kaas oo ka kooban 65%, waana midka ugu muhiimsan. Bayogaaska waxaa laga soo saari karaa hadhaaga digada lo’da. Miteenta badanaa waxaa loo isticmaalaa tamarta aan cuntooyinka ku karsano, taas oo sahlaysa kulaylinta guryaha, islamarkaana lagu soo saaro tamarta korontada. Borobeen iyo Buteen Borobeen iyo buteen labaduba waa neefo alkeeno haydarokaarboon ah.waxaa laga soo saaraa xareedinta jajabka saliida caydhiin. Iskujirka neefahan waxaa lagu kaydiyaa quruurado si loogu isticmaalo ilaha tamarta cunto karinta iyo agabyada kale ee guriga laga helo. Itayn Itayn waxay faa’iido u leedahay bislaanshaha macmalka ah iyo dhowrista miraha. Waxay waxtar u leedahay laambadaha acetylene si loo dhaliyo iftiin. Itayn waxaa loo isticmaalaa in lagu diyaariyo noocyo kala duwan oo dabiici ah. Mida ugu muhiimsan adeegsiga itayn waa dhalinta ololka ogsijiinta, kaas oo loo isticmaalo goynta iyo alxamida xadiid-sulubta iyo xadiidka. Jaan 3.1: suujinada alxanka Itanool Itaanoosha badanaa waxaa laga soo saaraa khamiirinta kaarboon haydareedyada laga helo heeda, sonkorta, hadhuudhka, malabka i.w.m. Khamiirintu waa burburinta iskudhisyada orgaaniga ah ee waaweyn lagana dhigayo kuwo fudud iyada oo laga adeejinayo noolaha ilma Cutubka 3aad 59 aragtayda ah. Itaanoosha badanaa waxaa loo isticmaalaa soo saarista cabitaano kala duwan. Sidoo kale waxaa loo isticmaalaa shidaalka motoorada gaadhiga, iyada oo lagu darayo 10- 20% oo baatrool ah ama gasoliin ah. Itoobiya gudaheeda itaanoosha waxaa soo saarta warshada sonkorta ee finja iyaga oo isticmaalaya geedaha aale sonkorka (Qasabka). Itaanooshu waa isha khalka, taas oo loo isticmaalo sida hal qayb marka lagu quudinayo kaabashka caydhiin iyo xabuubka si ay uga saaro unugyada kale ee wayeelada leh. Khalka waxaa laga soo saari karaa khamiirinta malabka, cinabka iyo miida midhaha, khalku wuxuu ka kooban yahay 4-10% milanka asetig ama itaanoek aysiidh. Itaanoek aysiidh (asitik aysiidh) Itaanoek aysiidha badhxan waxaa loo isticmaalaa kaydinta iyo diyaarinta khalka, sameynta seeluloos asitayt oo ah dun muhiim ah, sameynta iistarada iyo asitoon oo loo isticmaalo cadarada, diyaarinta muunadaha, sameynta rabadhka, sameynta liidha cad oo loo isticmaalo ranjiga caddeeyo guryaha, waxaa loo isticmaalaa falgalkeenaha shaybaadhada kimistariga. Jaan 3.2: khalka Foomaaldhihaydh (foormaaliin) - CH2O Foormaaldhihaydhu waxay ka mid tahay iskudhisyada orgaaniga ee ka smeysan ogsajiin loona yaqaano aldhihaydhis. Foormaaldhihaydhu waxay dishaa jeermiska islamarkaana ka hortagta waxyeelada ay keeni karto bakteeriyada, fangayga, iwm.foormaaliin waxaa lagu kaydiyaa noolayaasha 60 Abla-ablaynta Iskudhisyada Jaantuska 3.3: formalin 3.3 Iskudhisyada aan-orgaaniga ahayn Cinwaan yarahan marka uu dhamaado, ardaydu waxay awoodi doonaan inay:-  Sheegaan in iskudhisyada aan-orgaaniga ahayn in ay u kala baxaan ogsaydho, aysiidhyo, beysyo iyo cusbo.  Ogsaydhyada ay u kala saaraan ogsadhyada biraha iyo ogsadhyada bir ma`ahayaasha.  Sheegaan astaamaha ogsaydhyada aysiidha ah iyo ogsaydhyada beyska ah.  Sheegaan dabeecadaha guud ee ogsaydhyada.  Diyaariyaan salfar laba ogsaydh

Use Quizgecko on...
Browser
Browser